|
|||||
WAJAALE NEWS
War; Halgamayaashii UFO Oo Ka Furan Doona Maxkamada Sarre Dacwad Ka Dhan Ah Faysal Cali Waraabe Xadhigii, Xasuuqii Iyo Magacyadii Uu U Gudbiyay Sirdoonkii Somaliya Iyo Qareenada U Doodaya Oo La Diyaariyey
October 19, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)Halgamayaashii UFO Oo Ka Furan Doona Maxkamada Sarre Dacwad Ka Dhan Ah Faysal Cali Waraabe Xadhigii, Xasuuqii Iyo Magacyadii Uu U Gudbiyay Sirdoonkii Somaliya Iyo Qareenada U Doodaya Oo La Diyaariyey
Hargeysa()-Warar lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday inuu maalmihii u danbeeyey uu magaaladda Hargeysa kulamo uga socdeen Mujaahidiintii dhalinyaraddii ‘Uffo’, kuwasoo ka wada-hadlaayey sidii ay Dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe ugu soo Ooggi lahaayeen. Ujeedada dacwada ayaa la sheegay inay daaran tahay xadhigiii iyo xasuuq uu sababtiisa Faysal cali waraabe lahaa ee lagula kacay dhalinyradii dhiiranayd ee xogogii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre kala horyimi kacdoonkii xaqi dirirka ahaa.
Halgamayaashii Ururkii ‘Uffo” iskugu jiray aqoonyahano, ganacsato, dhakhaatiit iyo dhalinyaro isku hadafa yoolkooduna ahaa horumarinta iyo kaabida baahiyaha asaasiga ee bulshada, Waxay ahaayeen samo-falyaal waqtigooda iyo maalkooda u huray badbaadinta shacabkii dhibaatada uu ku hayey maamulkii Soomaliya ee macangaga ahaa Siyaad Barre. Dacwada Mujaahidiinta ayaa la sheegay inay daaran tahay la xisaabtan dadkii xilligii adkaa ee ay halganka ku jireen kala horyimi dagaalka ee u shaqeynaayey maamulkii siyaad barre. Waxaanay wararku xuseen in Dadka waqtigaas loo adeegsaday dhibta iyo tacadiga dhalinyarada UFO, uu abaan duule u ahaa Faysal Cali waraabe oo isaggu xadhiga iyo shirqoolada loo maleegayay dhalinyaradda maadaaama oo uu aqoon u lahaa dhalintii xilliggaa. Sidoo kalena waxa uu Faysal Cali waraabe markhaati been ah ku furi jiray danbiyada lagu soo oogo dhalinyaradda halgan dalkiisa u taagnayd.
Kooxdan ka nool dhalinyaraddii “Ufo” ayaa la filayaa inay maalmaha fooda inagu soo haya dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe u Gudbiyaan Hayadda Garsoorka Somaliland, Qareenada u doodaya halgaamaysha UFO ayaa ku hawlan diyaarinta Dacwada lagu soo oogi doono Faysal Cali Waraabe. Nuxurka dacwada ayaa isugu jirta Markhaati beenaale uu ku furay dhalinyaradii xaq u dirirka ee UFO, sidoo kalena kuwo uu xidhxidhay iyo Waliba qaar uu liisaska Magacyadooda u gudbiyay Hay’addii Sirdoonka Somalia. Dhibta iyo tacadiga kasoo gaadhay oo sababtay in qaarkood mudo dhawr iyo toban sano ah xabsi ku jiraan, kuwa kale xabsiga gudahiisa ku dhintaan. Qaarna la Dilo, qaarna jidh dil loogaystay, kuwa kale ku waayaan miyirkoodii beelaan. Si kastaba ha ahaatee, Faysal Cali Waraabe ayaan tani wagaas ka hadhin xadgudubyada uu ka galay Qarimada Somaliland, isla markaana weli xidhiidh toos ah la leh maamullada ku eg gudaha Magaaldda Xamar ee isku sheega inay Soomaliya Wakiil ka yihiin, waxanay arrimahan Mujaadiintani daliil uga dhigeen kulamadii uu Faysal Cali Waraabe todobadkii lasoo dhaafay dalka Jabuuti kulamo kula yeeshay Wasiiro ka tirsan maamulka Muqdisho iyo sidoo kale weedhihii cadaanka ahaa u warbaahinta lasoo istaagay ee ahaa dhismaha maamul Soomaliya Yeelato. Isku soo wada duuba waxa la filaya in Maxkamaddu qaado Kiiskan, kana qabato Dacwadan Mujaahidiinta, maadaama oo ay yihiin Mujaahidiin miisaan culus ku leh dalka.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|