|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Garabkii Isbahysiga Kulmiye Iyo Xisbiga Wadani Oo Saaka Yeeshay Kulan Xaasaasi ah
October 3, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews.net)October.3,2016-Siyaasiyiinta Isbaahaysiga Xisbiga KULMIYE ayaa kulan ku xidhiidhsan wada hadalkii u socday iyaga iyo WADANI waxay saaka ku yeesheen Magaaladda Hargaysa. Kulan labada dhinac waxa xagga Xisbiga WADANI hoggaaminaayay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayeen Ku-xigeendiisa iyo Xoghayaha guud, dhinaca Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE ayaa iyaguna ka koobnaa dhammaan Xubnihii ku midoobay Isbaahaysiga ee qaadacay doorashadiii ka dhex dhacday xisbiga KULMIYE. Waxaana kulankan uu saaka ahaa mid xasaasi ah kaasi oo ay jilbaha isku dareen labada dhinac isla markaana ay kaga wada hadlayeen kagana doodayeen qodobada gundhiga u ah heshiiska ay kala saxeexanayaan labada dhinac ee WADDANI iyo Isbahaysigu. Sidoo kalena wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiintani ay saaka usoo bandhigeen masuuliyiin qodobo dhawr ah oo gundhig u ah heshiiskan isla markaana uu ka mid yahay mansabyada ay doonayaan garabkani. Ilaa hada ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxaya kulankan ay saaka fooda isku dareen labada dhinac ee WADDANI iyo Isbahaysigu. Related posts:Masuuliyinta Gobalka Togdheer ,Police-ka iyo Tarafikada Gobalka Oo Qabtay Shir-Jaraid Oo ay Kaga Had... Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beesha Daa’uud Ismaciil(Ciidegale) oo kulan ay iskugu yimaadeen Baaq k... Wasiirada Maaliyada Oo Mudo Bil Gudaheeda Kormeerkii Sedexdaad Ku Tagtay Kastamada Abaarso Iyo Kalab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|