War Deg-Dega:Alla Ha U Naxaristee Waxaa Mar Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa Taliyihii Hore ee Madaxtooyada Faysal Kaamil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Alla Ha U Naxaristee Waxaa Mar Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa Taliyihii Hore ee Madaxtooyada Faysal Kaamil
October 26, 2016 - Written by Editor:

War Deg-Dega:Alla Ha U Naxaristee Waxaa Mar Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa Taliyihii Hore ee Madaxtooyada Faysal Kaamil

Hargaysa (wajaalenews)Alla ha u naxariistee waxaa mar dhawayd magaalada Hargaysa ku geeriyooday taliyihii hore ee madaxtooyada Somaliland gaashaanle sare Faysal Kaamil Ciise, oo mudooyinkii u danbeeyay la jiifay xanuun cisbitaalka Almahdi.

Alla ha u naxariistee marxuumka ayaa ka mid ahaa raga ugu firfircoon dhinaca ciidamada, isaga oo markii u danbaysay ahaa taliyaha madaxtooyada Somaliland,sidoo kale waxa uu taliyuhu ka mid ahaa ragii ganacsatada ahaa ee inta badan u huri jiray maalkooga taakulaynta adeegyada horumarineed ee dawlada,waxaanay dhamaan hawl wadeenada shabakadan wararku tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Somaliland in ilaahay Samir iyo Iimaan inaga siiyo isagana janatul fardawsa ka waraabiyo.

COMMENTS
LINKS