|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasiga Da’ada Yar Ee Axmed Biito oo Ka Mid Noqon Doona Siyaasiyiinta Garabka Isbahaysiga Kulmiye Ee Isniinta Ku Biiraya Xisbiga Wadani.
October 8, 2016 - Written by Editor:Hargeisa (Wajaale News):- Axmed Sh. Nuur Ducaale (Axmed Biito) oo ah Siyaasi da’ada yar oo kasoo jeeda gobolka Gabiley ayaa la filayo inuu maalinta isniinta ee soo socota ka mid noqdo siyaasiyiinta isbedel doonka xisbiga Kulmiye ee ku biiraya Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Axmed Biito oo shabakada Wajaale News isku dayday inay wax ka waydiiso inuu ka mid yahay siyaasiyiinta isbedel-doonta xisbiga Kulmiye ee dhawaan ku biiraya xisbiga mucaaradka ee Wadani ayaa shabakada u sheegay inay run tahay arintaasi isagoo arintaasi faahfaahinayana waxaa uu yidhi.“Haa way jirtaa oo waanan ku biirayaa Xisbiga Wadani insha Allah. Xisbi siyaasi ah marka la leeyahay oo ka jira dal dimuqraadiya,waa urur ay ku abuureen dadka ka mid ah haldoorka bulsho leedahay oo ku midoobay mabaadii iyo aragtiyo guud oo qaranka lagu hagi karo. anigu waxaan u aqaanaa oo aan u fahamsanahay in xisbi yahay haayad xora oo madaxbanaan ujeedada loo samaystay na tahay in muwaadiniintu helaan meelo kala duduwan oo loo soo maro hogaanka dalka xuquuq aasaasiya oo xalaala na tahay inay xubno ka noqdaan si ay ugu tartamaan hogaaminta dalka. Aduunka waxaynu ka iibinaynaa nidaamka xisbiyada badan; sadexda musharax ee ka kala tartamaya sadexda xisbina waa sadex muwaadin oo reer Somaliland ah. Qarankuna wuxuu guulaystay marka doorasho xora oo xalaala lagu tartamo ee midkood kursiga dalka laga hogaamiyo ku fadhiisto. Markaa anigu waxaan ugu biiray marka hore waa xuquuq aasaasiya oo aan leeyahay; mar labaad waxaan isku arkaa inaan aqoonteedii iyo kartideediiba leeyahay oo wakhtigan la joogaa yahay wakhtigii aan qaranka u shaqayn lahaa umadana aan wax kusoo kordhin lahaa. Xisbiga Wadani na waa xisbi nidaamkiisa siyaasadeed ii ogolaanayo inaan wax ku kordhin karo; dhismihiisa ka qaybqaadan karo, talo la wadaagi karo, markuu guulaysto na aan ku kalsoonahay inaan xil iyo mansab ka qaban karo si aan aqoontayda iyo kartidayda ugu biiriyo sidii loo xaqiijin lahaa himilada qaranka ee xukuumada ka dhalan doonta xisbiga wadani hogaamin doono …” “Dawladda dimuqraadiga ah astaamaha ugu waa wayn lagu garto waxaa ka mida tartan adag oo xalaal oo dhex mara musharaxiinta iyo xisbiyada siyaasada. Haddii aad aragto dal hal xisbi oo kaliya laga ogol yahay ama hal musharax, meeshaasi lama odhan karo dimuqraadiyad baa ka jirta…” Axmed Biito oo ka mid ah dhalinyarta mutacalimiinta ee kasoo jeeda gobolka Gabiley sidoo kale bartay aqoonta maamulka iyo maaraynta dawladaha, saamayn badan na ku leh gobolka Gabiley iyo beesha uu kasoo jeedo labada ba…” ayuu yidhi Axmed Biito. Siyaasiyiinta dhalinyarta ee Axmed Biito, oday dhaqameed iyo siyaasiyiin kale oo saamayn badan ku leh guud ahaan dhalinyarta iyo mutacalimiinta guud ahaan dalka iyo gaar ahaan gobolka Gabiley ayaa la filayaa inay taageero badan oo gobolka Gabiley ah kusoo kordhin doonaan xisbiga mucaaradka ee Wadani oo taageerada uu ku leeyahay gobolka Gabiley ka jiiftay mudooyinkii u danbeeyey. Sidoo kale waxaa la filayaa inay siyaasiyiin kale oo miisaan ku leh siyaasada guud ahaan dalka iyo gaar ahaan gobolka Gabiley ba ay ku biiri doonaan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Wararka kale ee kasoo kordha kala socda Wajaale News
Wajaale News Staff Hargeisa Somaliland Related posts:Kuleylka Xagaaga iyo Hanfiga Oo Heer Adag Maraya iyo Biyo La,aan Xoog Leh Oo Soo Waajahdey Magaalada... DAAWO;-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Oo Wasiirka Caddaaladda Ku Eedeeyay Inuu Lunsadday Lacag Dhan N... Madaxweyne Siilaanyo Oo U Quus Gooyay Ololihii Gancastada Iyo Salaadiinta Beelaha Sacad/Muuse Ee Xis... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|