Shirwaynihii Ugu Horeeyay ee Gole Dhexe Oo Uu Qabsado Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Oo Maalinta Bari ah La Filayo In Uu Ka Qabsoomo Hotel Mansoor ee Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirwaynihii Ugu Horeeyay ee Gole Dhexe Oo Uu Qabsado Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Oo Maalinta Bari ah La Filayo In Uu Ka Qabsoomo Hotel Mansoor ee Magaalada Hargaysa
October 18, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Waxaa maalinta bari ah ee bishu tahay 19/10/2016 la filayaa in uu shir waynaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ka qabsoomo hotel maansoor ee magaalada Hargaysa, shirwaynahan golaha dhexe ee xisbiga Wadani ayaa ah shirkii ugu horeeyay oo noocan oo kale ah oo uu qabsado xisbigan curdinka ahi, waxaana la filayaa in lagu doorto labada siyaasi ee xisbiga u matali doona musharaxa madaxweyne iyo ku xigeen ee u ordi doona doorashada fooda inagu soo haysa ee lafilayo inay qabsoonto horaanta sanadka 2017 ka.

Shirwaynahan oo ah mid xaasaasi ah oo culayskiisa mudooyinkii u danbeeyay uu la daalaa dhacayay xisbiga Wadani, ayaa waxa ku loolami doona musharaxa madaxweyne oo sida muuqata aanay cidi la tartamayn gudoomiyaha xisbigaas C/raxmaan Ciro,balse waxaa taas aad uga duwan jagada madaxweyne ku xigeen oo loolan adag ka dhexeeyo labada musharax ee Axmed Muumin Seed iyo Dr.Maxamed Cali oo maalmahan u danbeeyay loolan adagi ka dhexeeyay iyadoo boodhadhkooga la ciirciirayeen Suuqyada waawayn ee magaalooyinka Somaliland.

Xisbigan Mucaaradka ah ee Wadani oo ah xisbi Curdin ah horana aan u galin shir gole dhexe oo noocan oo kale ah ayaan la saadaalin Karin sida uu u gudan doono kala reebista musharixiinta oo inta badan xisbiyada Somaliland u qabtaan nidaam cumaamadis ah oo muhiimada la siiyo cid gaara, balse waxa aad isha loogu hayaa habka uu maamulo xisbigan oo maalmahan isbadal wayn ku keenay dabaysha siyaasada,iyada oo maalmahanba ay si isdaba jooga xisbiga u soo galayeen siyaasiyiin miisaan ku leh dalka.

Waxaana maalmahanba xafiiska xisbigaas buux dhaafiyay ergooyinka iyo xubnaha golaha dhexe oo qaadanayay kaadhka ay kaga qayb galayaan shirka,iyada oo sida loo qoondeeyay shirkani socon doono mudo laba cisho ah.

Wajaalenews

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS