Qaramada Midoobey Oo Sheegay In Cudurka Daacuunka Uu Ka Dillaacay Dalka Yemen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobey Oo Sheegay In Cudurka Daacuunka Uu Ka Dillaacay Dalka Yemen.
October 9, 2016 - Written by Wariye:

yemenHargeisa(WJN):-Hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in cudurka daacuunka uu ka dillaacay dalka Yemen.

Gudaha magaala madaxda dalkaasi ee Sanca oo kaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay dhowr qof oo qaba cudurkaasi.

Sidoo kale dad kale ayuu xanuunkaasi ku soo ritay magaalada Tacis ee koonfurta dalkaasi Yemen.

Colaadda sokeeye ee in kabadan 18-ka bilood ka socota dalkaasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay hannaanka caafimaad ee dalkaasi.

Hay’adda Qaramada Midoobey ee caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegeysa in biyo la’aan baahsan oo halkaasi ka jirta ay xaaladda sii umeynaysa.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la soo sheegaya in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay dileen janaraal ka tirsan dowladda oo lagu magacaabo

Cabdirab Al-Shadaadi.

Sources:BBC.

wajaalenews.net

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS