“Nimaan Loo Yeedhinoow Habrasho- Cun” Sidaa Daraadeed Ismaaciiloow Habrasho Hadal”. Badhasaabkii Hore Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Nimaan Loo Yeedhinoow Habrasho- Cun” Sidaa Daraadeed Ismaaciiloow Habrasho Hadal”. Badhasaabkii Hore Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh
October 28, 2016 - Written by Editor:

Aniga oo ah Rashiid Cumar Sh, Mux’ed, ahna badhasaabkii Gabiley sanadihii 2010 ilaa 2011 waxan qormadan ku tiraabayaa  oo aan jawaab u celinayaa hadal uu ka sheegay madal Ismaaciil Buubaa; waa xubnaha dhawaanta ku biiray xisbiga wadani oo yidhi “ Xisbiga kulmiye wax ku dhac ah ma leh kumana dhaco in uu Guddomiyaha wareejiyo, waxaan leeyahay  odayga Ismaaciil adiga oo geed-dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii aad u dhabar-jabin lahayd masiirka iyo qaranimada Jamhuuriyada Soomaaliland oo wali ay gureyso dhagaxaantii iyo catabadihii aad u dhigtay adiga oo aan wali lagaa hayn erey kaliya oo aad madal ka tidhaa oo in uun dhagaha shacabka jamhuuriyada soomaaliland dhadhansadaan. Waxay ahayd in aad dhinac kale ka wareegto oo bal-istidhaa la qabso’e, may haboonayn in aad wax ka sheegto raga soo faqaya godkii aad qarinimada ku riday.

Waxaan is lahaa odaygu wuu soo guul-daraystoo wuxuu ku soo dhawaaday qabrigiisii oo uma baahna hagardaamo, kabatollow ma halkaasaad ka baxday, habeediiba kama maydhanine hawl yaraa shuqulku.

Waxa la yidhi meel casuumadi ka jirto oy isugu yimaadeen kuwo kale oo aan la casuumin iyo kuwo la casuumayba ayay cunada aad u qaateen kuwii aan la casuumini, markaa oday baa yidhi ka mid ah ragii la casuumay “Waaryaadhaheen nimaan loo yeedhinoow habrasho- cun” sidaa daraadeed Ismaaciiloow habrasho hadal. Hadii aan kaaga waramo xisbiga Kulmiye waxaanad garanayn intii rag isusoo gaadhay malaha goor danbe ayaad timide. Xisbiga kulmiye waa macalinka iyo hormoodka la hiigsado ee haybta siyaasadeed hadhsanayso, ma aha mid ka baqa ama aan ku dhac lahayn. Casharada siyaasada isaga ayaa laga eegtaa tusaale ahaan; Gudoomiyaha wuxuu bixiyay todobo sano ka hor isaga oo rasmiya oo aan ku meel gaadh ahayn sidan kan Wadani ee maalmahan la bixiyay, waxaanu ahaa sir waayeel iyo xisbi waayeel kala qaatay oo kaliya, idaacada iyo TV yada lagama-marin markii Madaxweynuhu wareejinayay.

Tan labaad xisbiga Kulmiye Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay, isaga oo xaq u leh mar labaad isusoo taago in uu ka hadho oo gudoomiyuhu noqdo musharaxa waana casharada la rabo in aad barataan reer Wadaniyoow xisbiga Kulmiye waa xisbi waayo-arag ah oo hogaano rug-cadaa ahina isugu yimid oo shuush iyo shaashba beellay oo waa ka baxay. Waa xisbi dhacay oo ogolaaday, helay oo hor-umar dal, dad iyo mid siyaasi ahba ku guulaystay, hantay hab isu-dhiib ahna u maamulay hogaaminta xisbi iyo dalba, laakiinse xisbiga Wadani (waa weyl daba-ka-ruub riman). Hadii xerada Lo’da xanuunkaasi soo galo dee weyluhu waa kuwa ugu jilicsan oo kama baxaan. Waxa kale oo hada ku jira xanuunka la yidhaa “Dooni-xashar” oo midhaha hadhuudhka dila, ku raagi mayo waana la ogaan sida ay uga badbaadaan.

 

COMMENTS
LINKS