|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharax Donald Trump Oo Lagu Eedeeyey Inaanu Cashuur Bixin 18 Sanadood
October 2, 2016 - Written by Editor:Wargeys Maraykanka kasoo baxa ayaa sheegay in uu helay dukumiintiyo muujinaya, in musharrax Donald Trump uu sanadkii 1995 shaaciyay in uu khasaaray lacag ka badan 900 oo milyan oo dollar. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in khasaarahaasi uu aad u weynaa, taasoo sharci ahaan musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga u ogalaan kartay, in aanu wax caanshuur ah bixin muddo 18 sano ah. Ololaha Mr Trump, oo diiday in uu shaaciyo caanshuurta uu celiyay musharraxaasi, ayaan beenin ama ogolaan inta ay dhan tahay lacagta uu khasaaray. War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump, ayaa lagu sheegay in uu yahay ganacsade xirfad sare u leh hannaanka caanshuurta Maraykanka, isla markaana uu dhankaasi kaga wanaagsan yahay qof kasta oo weligii isu sharraxay jagada madaxtinnimada dalkaasi. Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton, ayaa in badan ku dhaliishay Donald Trump in aanu shaacin caanshuurta uu bixiyay.
Source:-BBCsomali Related posts: Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo La Kulmay Dhakhaatiirta Macjarada Xolaha Berbera Xili Bil Gudaheed S... "Kumanaanka Qabriyada ku Jiraa Inoogama Baahna,In Aynu Cafis Iyo Cudurdaarba Ka Barino Cadowgii Ciid... “Hebeladii Ku Caan Baxay Run-Sheegnimada Sanadka Waxa Inaga Baxay, Laba Nin Oo Cul-culus”Siyaasi Cal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|