Mulkiilaha WikiLeaks Oo Sheegay Inuu Baahin Doono Hal Milyan Oo Dokomtiyo Sir Ah Daawo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mulkiilaha WikiLeaks Oo Sheegay Inuu Baahin Doono Hal Milyan Oo Dokomtiyo Sir Ah Daawo.
October 5, 2016 - Written by Wariye:

wikileaksLondon(wjn):- Mulkiilaha shabakada WikiLeaks Julian Assange ayaa shaaciyay inuu hal milyan oo dokomtiyo sir ah baahin doono bisha soo

socota ee sanadkan, kuwaas oo sida uu tilmamaay noqonaya siro waaweyn iyo xogo uu dunida ka helay, ayna ku jiraan siro ku saabsan doorashada Madaxtinimada Maraykanka iyo musharaxiinta u tartamaya.

Aasaasaha Wikileaks Julian Assange ayaa hadalkan ka sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay safaarada uu dhuumashada ugu jiro ee magaalada London, waxa kale oo uu sheegay inuu samaysanayo ciidan saxafiyiin ah oo ka hawl gala dhibaatada ka taagan dunida sida u hadalka u dhigay, xoghana ayaa si wayn saamayn ugu yeelan doona musharaxiinta ku tartamaya doorashada dalka Maraykanka Donald Trump iyo Hillary Clinton.

Wajaalenews.net

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS