|
|||||
WAJAALE NEWS
“Maxamed Kaahin Waxaan Leeyahay Raadkaagii Dib U Raac “.. Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Ka Jawaabay Hadlo Ka Soo Yeedhay Gudoomiye Ku Xigeenka Kulmiye
October 13, 2016 - Written by Editor:Hargeysa (W,N):- Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo wareysi gaar ah siiyey shabakada Ilaysnews.com isaga oo ku sugan dalka Faransiiska ayaa waxaa uu si kulul uga jawaabey hadalo maanta ka soo yeedhay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed Muddane Axmed Saleeban Dhuxul waxaa uu gudoomiye ku xigeenka Kulmiye Muj.Maxamed Kaahin uu ku sifeeyey in uu yahay shaqsigii ugu horeeyey ee iska casilay xukuumadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur isaga oo hormuud u ah 8 wasiir oo ay isku beel yahiin waxaana uu yidhi “Gudomiye Ku xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye Muj.Maxamed Kaahin oo ka hadlaya xaflad kooban oo xisbiga Kulmiye u qabtey koox haween ah ayaa waxaa uu ka hadley masuulyiintii iska casilay xukuumada madaxweyne Siilanyo isaga oo sheegay in ay aheyd taariikhda markii koowaad aad iyo aad baan hadalkaas uga xumahay Waxaan is weydiiyey Maxamed Kaahin miyuu is ilowsan yahay waxaan is leeyahay tariikhdii shalay iyo raadkiisii miyaanu is arkeen , Maxamed Kaahin waxaa uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee iska casila xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur , waxaana uu horseeday in koox wasiiro ah oo waliba isku heyb yahiin ay dawladaasi ka baxaan oo ay dhabarka ka toogtaan , waliba intii uu xukumadaas ka tirsanaa lamuu shaqeyn ee hagar daamo ayuu ku wadey ” ayuu yidhi Axmed Saleeban Dhuxul Muddane Dhuxul oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Muj.Maxamed Kaahin ugu baaqay in uu tariikhiisii dib u xasuusto waxaana uu yidhi “Maxamed Kaahin waxaan leeyahay raadkaagii dib u raac , goorma ayaad is casiladaadii aad hor seeday in qarankani ku dumi gaadhey aad in aad sameysay “ayuu yidhi
Gabo gabadii Axmed Saleeban Dhuxul waxaa uu shacbiga Somaliland ee ku kala sugan daafaha caalamka ugu baaqay in ay tageero la garab istaagan xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Waddani isla markaana hadii uu xisbigaasi ku guuleysto talada dalka ay Somaliland Aqoonsi dhab ah ay ka heli doonto beesha Caalamka waxaana uu yidhi
“shacbiga Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay hiil iyo hooba la garab istaagan xisbiga Waddani oo is bedel nabadeed wada ” ayuu hadalkiisii ku soo gao gabeeyey Muddane Axmed Saleeban Dhuxul afhayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|