Maxaad Ka Taqaan Shaqsiyaadka Kaalinta koowaad Iyo kaalinta Labaad ka Galay Liiska Xaqirayaasha Ama Aflagaado Quutaha?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Ka Taqaan Shaqsiyaadka Kaalinta koowaad Iyo kaalinta Labaad ka Galay Liiska Xaqirayaasha Ama Aflagaado Quutaha?.
October 2, 2016 - Written by Editor:

WAA  AYO  SHAQSIYAADKA KAALINTA  KOOWAAD IYO KAALINTA LABAAD  KU GUULAYSTAY  LIISKA XAQIRAYAASHA AMA AFLAGAADO QUUTAHA  

Shacabkeena mudaniyo

Shaqaalaha dhamaantii

Waxaa loo sharaxayaa

Raga shiishku haystee

Dhull shisheeye joogee

Sharaftii qurbaawiga

Shaanshaan ka tuuree

Shilka galay ayaamahan

Waa laba  shax guuroo

Sheeko xumi ku caanoo

Shaasheeyay magacii

Sharaf badan lahaan jiray

Waa qormo Shiraban oo aan shiishka ku saarayo Laba Nin oo ku shaxguuray Qurbaha , Sidoo kale Waa qormo aan shacabka S/land ugu iftiiminayo Laba Nin oo shahaado ku qaatay in ay Caayaan Marwo sharafle , Masuul Qaranka u shaqeeya iyo Madaxdhaqmeed Beesiisu soo Cumaamaday   Labada Nin oo shaqo ka dhigtay in ay hadalo Shuushaaya iyo Sheeko nacasa la soo fadhiistaan Shaashadaha iyagoo Dadwaynaha ku shubaya Hadalo aan Shaandhada Maskaxda fayow la soo marin ,Sidoo kale waa qormo aan Sharaxaad kaga bixinayo Laba Nin oo  Shaansheeyay  Sharaftii  Qurba jooga  Labada Nin oo Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad kaga jira  Liiska Shabakada isku xidhan ee la magac baxday Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha  waxay  Shaashaan ka tureen  Magacii Qurba jooga Shareecada Islaamka  iyo Milgihii Dhaqankeena  midna uma tudhaan , Sidoo kale  waxay Shahaado ku qaateen Xaqiraada iyo Ceebaynta  Masuuliyiinta Dawlada S/land Ganacsatada iyo Madaxdhaqmeedka.

Sidoo kale Wariye Cali Xaraaro iyo Mustafe Maxamad Maaji waxay  Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad ee Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha ku gaadheen  ka dib markii Maalmihii u danbeeyay ay ku weerareen Hadalo gaf iyo meel ka dhac ku ah Milgaha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Shareecada Islaamka  Marwada Koowaad ee Qaranka S/land Marwo Aamina Sh Maxamad Jirde ( Marwo Aamina Waris) Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta  Marwo Shukri Xariir, Agaasimaha Guud ee Wasaarada  Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh  iyo Marwooyin kale oo Xillal ka haya Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo  waxaana la gaadhay waqtigii Shaashadaha laga saari lahaa Labada Nin ee ku shax guuray Qurbaha Caydaystayna Cayda  Marwooyinka Jamhuuriyada S/land .

YES LABADA TUUG

Sidoo kale waxaa la gaadhay waqtigii Shacabka S/land loo soo bandhigi lahaa  Shaqsiyaadkan la magac  baxay Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha kooxdan  oo Shaqo ka dhigatay in ay Cay iyo Dacaayado ka faafiyaan  Dhamaan Marwooyinka Xillalka ka haya S/land , Masuuliyiinta Dawlada, Ganacsatada  iyo Madaxdhaqmeedka  S/land iyagoo Gaf iyo Meel ka dhac ula badheedhaya Dacaayado kaga baahinaya  Aalada Isgaadhsiinta  Casriga ah ee UTUB loo yaqaano  iyo Shabakadaha Aalada Internetka wararka ku baahiya anigoo Qormadan si gaara shiishka ugu saaraya  Wariye Ca;I Xaraaro iyo Saaxiibkii Mustafe Maxamad Maajin oo ah Labada Nin ee Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad kaga jira waxayna  ku nool yihiin Dalka Dibadiisa gaar ahaan Magaalada Minisota ee Dalka Marakaynka inkasta oo Labada Nin ay gacan saar la leeyihiin kooxo Caydooda  faafiya oo ku nool Dalka Gudihiisa.

Araartaa aan gundhiga uga dhigay Qormadaydu halkaa ha ii joogtee waxaa qormadan inoo daadihin doona si gaar ahna u Falanqayn doona Qodaal joog iyo Qurba joog  .

Qodaal_joog : Ninkaan dhimanin tu walba wuu arkiye  ma haysaa Shaqsiyaadka  Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad ka galay  Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha ?

Qurba _joog : Ninkii nooli tu walba wuu arkiye waxaa la gaadhay waqtigii Bulshada S/land u soo bandhigi lahayn  Labada Nin ee  Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad ka galay Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha  waa  Wariye Cali Xaraaro iyo Saaxiibkii Mustafe Maxamad Maajin  oo Wadanka Maraykanka degan gaar ahaan Magaalada Minisota  .

Qodaal_joog ; Dad badan ayaa ku jira Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha mar hadiise Qurba_ Joogu  ku guulaystay Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad  miyaan la odhan karin Xumaantii badankeedii waxay u guurtay Qurbaha ?

Qurba_joog :  Waxaa hubaala in Labada Nin Cali Xaraaro iyo Saaxiibkii Mustafe ay Shaasheeyeen Magacii Qurba jooga oo waayo la dhagaysan jiray  waxaana la gaadhay waqtigii Bulshada S/land loo soo bandhigi lahaa Sheeko Nacasta ay shaashadaha ay la soo fadhiistaan .

Qodaal_ joog : Gafka iyo meel ka dhaca ka soo burqanaya Kooxda la magac baxday Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha  waa mid badan Waxaana maalinba maalinta  ka danbaysa ay shaashadaha la soo fadhiisanayaan Cay iyo Aflagaado aanay u meel dayin waxaase hubaala in la gaadhay waqtigii Umada laga qaban lahaa Sida Gabaygani Tilmaamayo .

 

Shaqo xumi  ragaa lagu hubee shiishka ku jiheeyay

Shaashada ragaan kala socdeen shaahid u arkaayo

Sharaftii Qurbaawiga ragaa hadal ku shaasheeyay

Sheeko nacasta kuwaa nagu wade hadalka shaandhaynin

Markaan shiido shiilkana ku rido qumac ku soo shaydho

Shucaaciyo iftiinkaa u dami magacyo  shiiqaaya

Qurba_joog : Waxaan xasuusin lahaa Labada Nin ee Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad kaga jira Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha ee Karaamadii Qurba jooga Shaanshaan ka tuuray Gabaygii Xoogsi ee ALLE Ha Naxariistee Darwiish Ismaaciil Mire .

Caliyow xasuus kugu dulee walad xumaadaaye

Xaluunbaan xadaas gabay la kacay oo xafiiltamaye

Dhaqashaba ha xalaalaysanine maqal xuruuftayda

Niman baa xijiga iibsadiyo xabag dhunkaaleede

Niman baa xaraabada galoo xoolo saanyada e

Niman baa xafaar u guntadayoo xabaal qodaye

Kugu xiiqay sidaan kuu lahaa xaaxiyohow toose

Xagoon labada doorood ku daran ha is xakabin meele

Qodaal joog : Ugu danbayn waxaan Bulshada S/land ku guubaabinayaa in ayna dhag u dhigin Hadalada ka soo burqanaya Labada Nin ee Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad kaga jira Liiska Xaqirayaasha iyo Aflagaado Quutaha .

Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle ( Qodaal joog ) Hargaysa S/land

 

 

COMMENTS
LINKS