Maxaa Dhacay … ?? Hooyo ka Oy,day Cadaaladda Somaliland … Xagee Loo Qaaday Inankaygii ..!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Dhacay … ?? Hooyo ka Oy,day Cadaaladda Somaliland … Xagee Loo Qaaday Inankaygii ..!!!!
October 29, 2016 - Written by Editor:
  • • CADAALADA SOMALILAND WAA TÁ ,MUWAADINKEEDII KU XIDHNAA DALKA ITOOBIYA, SOO DAYSAY EE WASIIRADII DALKU AY DOONEEN , SOONA GALBIYEEN ..Maasha Allah ..
  • • MAR KALE CADAALADA SOMALILAND WAXAY MUWAADIN DAMBI KU GALAY WADANKA MIDA WADAMADA YURUB (Denmark ). OO LAGU YIDHI SOMALILAD SOO DHIIBA WAA TII U DIIDAY EE LAGU XAKUMAY WADANKA GUDIHIISA LAGUNA XIDHAY … Markale masha Allah …
  • • WAXA HADABA DHACDAY CADAALADA SOMALILAND WAXAY MUWAADIN U DHASHAY DALKA AY U DHIIBTEY WADANKA JABUUTI  IYADOO INDHAHA KA QARSANAYSA SHURUUCDII DALKA ,SHARAFKI I UMADANA LIIDEYEYSA ( Ragna labaduglaa geed xadhig loogu loogoo laguhuu ka xidhan yahay ) .  .. Waxay Xoriyo tidhi .. ISLAANTU ISLAANTII HA KA AYAAN ROONAATO, INANTUNA INANTII INTAA HA DHEERAATO .
  • • MAXAA KA DHACAY MADAARKA HARGEYSA …?? Xaaladu siday ahayd markii la isla yimid madaarka ama gaba-gabadii dhiibista muwaadinkan la dhiibayey … side ay xogta ku hayaan ehelda wiilkani waxaa isaga iyo dad kale lagu hayey magaalada hargaysa  mudo todobaad ku dhaw .  kadib waxaa isaga iyo qaar kale la keenay madaarka hargaysa si loogu qaado Djabouti . Ragii laba kamida oo ka soo kala jeeda beelaha ciidagale iyo habar- jeclo , waxaa lagaga soo reebay madaarka hargaysa . Kadib markii REERNIMADA LA,DHAQ-DHAQAAJIYEY, mid isaga waxaaba u yimid wasiir ka tirsan dawlada oo ka reebay . Kadibna isaga sidaas ayaa loogu gudbiyey dalka Dabouti … Waxaa arinkiisa fududeeyey ama makastu ugu dhiiratey TUN-JILEECSI .                           Tima-cadaa laga hayey  … MADOOBAADAYEEY XALAY MIYEY MURUGTEY LAABTEYDU .
  • • MAXAY DAWLADA SOMALILAND DHAGAHA UGA FURAYSATEY BEESHAN DHAN EE LA HADASHAY .. ?? waxaa wax lala yaabo ah dawlada somamliland oo aan wali wax jawaaba ka bixin xaaladan AF,DUUBKA ah ee dalka ka dhacday . Codsigii dheeraa ee Salaadiinta iyo wax garadka beeshu ay u jeediyeena dhagaha ka furaysatay . Codsigaa oo ahaa in muwaadinkaa dalkiisa lagu soo celiyo .
  • •MAXAY SHACABKA REER SOMALILAND UGA AAMUSEEN DULMIGA INTAN LE,EG EE DALKA KA DHACAY…?? Waxaa iyana wax lala yaabo ah dadka reer somaliland oo iyaguna arinkaa aan ka hadal gaar ahaan dagaankii uu ka soo jeedey ee gobolka gabiley …… TALOW MAXAA INAGA QALDAN …. cajiib … cajiib …. OGOW WAXA QALDAN MARBAA MIISKA LA SOO DHIGAA AMA LAGU ADIMAA .             … A. sigad

COMMENTS
LINKS