Maareeyihii Hore Dekeda Berbera Eng Cali Xoor- Xoor oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Inuu Ku Biirayo Xisbiga Waddani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyihii Hore Dekeda Berbera Eng Cali Xoor- Xoor oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Inuu Ku Biirayo Xisbiga Waddani.
October 15, 2016 - Written by Editor:

Berbera(WN):-Maareeyihii hore ee Dekeda magaalada Berbera Eng Cali Xoor Xoor ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga baahiyey oo sheegaya inuu ku biirayo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Eng Cali Xoor Xoor oo khadka telefanka ugu waramayey wariyaha Hadhwanaagnews ee magaalada Berbera Yaasiin Jaamac Cali ayaa tilmaamay inaan wararkaas laga baahiyey waxba ka jirin, isla markaana uu ka tirsan yahay xisbiga kulmiye oo uu sheegay inuu la shaqaynayo.

“Anigu waxaan ka tirsanahay xukuumada waanan la shaqaynayaa, wararkaas layga baahiyeyna waxba kama jiraan warbaahintana waxaan leeyahay wixii aad hubtaan qora oo wax badan iska hubsada, waxaanan haatan ku suganahay dalka Ethiopia aniga iyo

qoyskayguba anaga oo u joogna arimo noo gaar ah”.

Maareeyihii hore ee dekeda magaalada Berbera Eng Cali Xoor Xoor ayaa ahaa masuulka mudadii ugu dheerayd maamulayey dekedaasi, waxaanu yahay siyaasi miisaan culus ku dhex leh gobolka Saaxil iyo somaliland, waxaana inta badan looga bartay inaanu ku biirin xisbiga mucaaridka ah isla markaana waxa uu caan ku yahay inuu la shaqeeyo kolba xukuumadii talada haysa.

 

COMMENTS
LINKS