Maamulka Magaalada Togwajaale Oo Lafilayo In Ay Bilaabaan Dhismaha Wadada Halbowlaha Ee Gudaha Magaalada Iyo Dareenka Ay Shacabku Ku Qaabileen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Magaalada Togwajaale Oo Lafilayo In Ay Bilaabaan Dhismaha Wadada Halbowlaha Ee Gudaha Magaalada Iyo Dareenka Ay Shacabku Ku Qaabileen.
October 7, 2016 - Written by Editor:

Maamulka Degmada Tog-Wajaale Oo ku Hawlan Dhagax Dhiga Wado 2 km ah Oo In Mudo ah ay Sugayeen Shacabku,

Togwajaale(Wajaalenews) Tan iyo mudadii Maamulka Degmada Tog-wajaale  dib loogu soo magacaabay masuuliyiinta xiligan maamula ayaa waxaa bulshada qaybaheeda kala duwan ee deegaanka togwajaale Iyo maamulka oo isku duuban waxay bilaabeen sidii loo dardar galin lahaa adeegyada aas aasiga ah ee degmadu ubaahan tahay kaasi oo xiligan ay muuqato in maamulka degmada iyo gudiyada kala duwan ee magaalo ganacsiyeeda wajaale isla jaan qaadeen iyagoo maalmaha soo socda lafilayo in ay  dhagax dhigi doonan  wado laami ah oo dhererkeegu dhan yahay 2 km,taasi oo dhismaheeda ay shacabka ku ganacsada magaalada wajaale sugayeen mudo dheer  waxaanay wadadan laamiga ahi dhex mari doontaa magaalada dhexdeeda oo ah meel halbawle u ah isu socodka magaalo ganacsiyeedka Togwajaale qaybwayn ka qaadan doonta,

MAAYARKA WAJAALE

Sida uu noo qaxiijiyay  maayarka Magaalada Togwaajale Aaden Cilmi( Aaden Shiine) oo ay khadka tilifoonka kula xidhiidhay dagalkan wararka ee Wajaalenews, waxa uu sheegay in ay wadadan maal galinteeda iska kaashanayaan, Dawlada Hoose ee Degmada Togwajaale,Dawlada Dhexe iyo gudiga hurumarinta , ganacsatada ,iyada oo uu sheegay in ay kharash badan ku kici doonto, maadaama Magaalada Togwajaale tahay meel juquraafi ahaan sare oo caro wayn ah.

Dad waynaha ku dhaqan Magaala Ganacsiyeedka Tog wajaale ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee xiligan oo uu hogaaminayo maayarka magaaladaas Mud, Aaden Shiine oo tan iyo intii uu xilka maayar nimo hayay ku talaabsaday horumar iyo waxqabad ay mahadiyeen guud ahaan shacabka reer Tog wajaale iyadoo wadadani kamid tahay waxyaabaha ay dadwayanaha reer wajaale mudo sugayeen.

 

WAJAALENEWS DESK

TOGWAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS