Lataliyaha Madaxweynaha J.S.L Ee Gobolada Bariga Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walalaha Ah Ee Ku Dagaalamay Dharkayn Geeyo.
October 8, 2016 - Written by Editor:
Anigoo Ah Eng CabdiNasir Garaad Abshir waxaan Baaq Nabadeed Udiray Beelaha Walaalahaa Ee Dagaalku Ku Dhexmaray Deegaanka Dharkayn Geeyo. Ayaa Baaq Nabadeed Udiray Beelaha Walaalahaa Ee Dagaalku Ku Dhexmaray Deegaanka Dharkayn Geeyo. Ee Koonfurta Golka Sool
Waxaa Muhiim ah Nabad gelyo Ugu Horayn qiimaha ay nabadu uu leedahay aadamaha waa tiirka Nolosha Rukunkeeda koowad . waxaana tacsi Tiiraanyo Leh Udiray dadku dhintay dagaalkaasi Oo In Mudaa Soo Noq Noqanaayey Waxanu Kuwii Ku Dhaawacmay Alle Ugu Baryey Inuu Caafimaad Sareecana Siiyo.
Walalayaal colaad wiilba ku dhinte wiil kuma dhashee Waxaan Iidinku Baaqayaa in aad nabada ilaashataan oo wax qaldan wada hadal iyo wado xaajood Iyo is afgarad lagu soo dabaalo si aynu uu hello xasilooni waarta.
Walaalayaal Waxaan Sidoo Kale Idinku Boorinayaa Inaad Maqashaan Oo U Hogaansataan Ergooyinka Kala Duwan Ee Ku Hawlan Nabadayntiina Waxanan Dadkii Ku Dhintay Dagaalkaasi Alle Ugu Bar Yayaa Inuu Janatu Fardawsa Ka Waraabiyo Kuwii Ku Dhaawacmayna Caafimaad Sareecana Siiyo.
Waxaan ugu baaqay salaadiinta odayaasha waxgaradka boqorada ku dhaqan gobolada soomalilannd in ay Si Niyad Samiya Uga qayb qaatan daminta colaada Mudooyinkii Ugu Danbeeyey ka dhex aloosan Labadaasi Beelod Ee Walaalaha.
Waxaan Ugu Baaqayaa Guud Ahaanba Madax Dhameedka Somaliland In Aad Dhamaantiinba Si Mug Iyo Miisan Leh Uga Qayb Qaadatan Dhibaatadaasi Deeganka Dharkeyn Geeyo Ka Socota Ee Ay Isku Gumaadayaan Labadaasi Beelod Ee Walaalaheena.
Waxaan Bogaadinayaa Oo Hambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland Oo Isgu Door Muhii Ka Qaatay Daminta Colada Ka Dhex Taagan Labada Beelod Ee Walahaa Waxaan Alle Ugu Baryaa Inuu Ku Guuleeyo Soo Af Jarideeda oo doorkii hore Dhinac kasta Dowlad iyo mdxda dhaqanku u gurmadeen,Maantana colaadaas oo soo noqnoqta Dad iyo dowladba Haloogurmado.Waxaan kaloo iyagana halkan Baaqnabadeed u marinayaa Walaalah [Habar lamaan] ee Gobolka Sanag inay Nabad ku wada daaqii dadkaas walaalah ah soo celiyaan,guud ahaan Abaarta iyo colaada ka taagan Bari ilaahay waxaanu uga baryeynaa roob iyo Nabad siiyo..