|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Akhri; Maansada “Daalacan” Kana Hadlaysa Duruufaha Siyaasadeed Ee Dalku Ku Sugan Yahay.
October 29, 2016 - Written by Editor:Laba kaclayntii Silsiladii Deelay Oo ku Bilaabantay Maansada Daalacan Kana Hadlaysa Duruufaha Siyaasadeed Ee Dalku Ku Sugan Yahay. “Mar haday dirsoociyo Daw dhaafka xeerkiyo Dulmi ay wadaagaan Mar hadaan dulqaadiyo Dabci lagu hogaanshiyo Daganaansho lagu hubin Mar hadii ducaalow Xeer lagu dabraayoo Xisbinimada daafaca Sharcigooda lagu darin Mar hadii daryeeliyo Danta guud waxuu taray Dadku aanay garanayn Isku soo dabaaloo Mar hadii ducaalow Daacadnimo ka dheer tahay!!!!! Ugu horayn waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatu Fardawsa ka Waraabiyo Marxuum Aqoonyahan, Abwaan Maxamad Xaashi Dhamac Gaariye oo Daah furay Silsiladii Deelay Dabayaaqadii Sannadkii 1979 iyo Dhamaan Abwaaniintii Geeriyootay ee ka qayb qaatay Silsiladii Deelay inta Noolna ALLE Caafimaad iyo Cibaado haku Arsaaqo Laba kaclaynta Silsilada Deelay iyo Duruufaha Siyaasadeed ee Maanta Dalku ku sugan yahay oo ku bilaabantay Maansada ( DAALACAN ) waxaa curiyay Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle 10/10/2016 waa Maanso Abwaanku kaga hadli doono Duruufaha Siyaasadeed ee ku gadaaman dalka iyo Dabarka Adag ee lagu xidhay Geedi socodkii Dimuquraadiyada S/land oo lagu tilmaami karo Maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa ( Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayaa Ma Kaco ) Mar kale Midhaha Maansadani waxay iftiimin doonaan Isbadaladii ugu danbeeyay ee Saaxada Siyaasada ka dhacay iyo Go”aanadii ay ka qaateen Siyaasiyiintu oo Salka ku haya Dano Shaqsiya oo fashilan marka laga reebo Wasiirkii hore ee Maaliyada oo qaatay Go”aan waayo aragnimo Siyaasadeed Xambaarsan Isbadaladii Saaxada Siyaasada ka dhacay Maansadan oo Abwaanku ugu magac daray ( Daalacan ) sida magaceeda ka muuqata waxay Daaha ka qaadi doontaa Tartanka fashilan ee Xisbiyada Siyaasada oo Mabda iyo Fikir ay ku kala duwan yihiina aanu jirin iyo Dabeecadaha ay ku dhaqmaan Siyaasiyiinta Saaxada Siyaasada Safka hore kaga jiraa oo ah mid ka hadalkeeda mudan waaxaanu Maansada Daalacan ku bilaabay sidan . Waayadan ducaalow Deelayda maansiyo Murti daah furkeedii Dabnahayga uma furin Danbi dhacay ma faalayn Diiwaanka gabaygiyo Suugaanta kuma darin Wali Doodba kama furin Dacalada aduunkiyo Darifyada ma gaadhsiin Maantana ducaalow Daymadii abwaankiyo Diiradiisii dheerayd Daalacan ku soo sheeg Dakharada siyaasigu Dumadiisa kala galo Ama duunyo kala helo Ama dayn la kala tago Baritana ducaalow Dafiraadu fududahay Nin ilduufay loo tudhun Dacwadooda maan qorin Wali dood kamaan furin Daliilkeedu waxuu yahay Durba fiiro dheeruhu Durki fahanka sheekada Dadaalkiina libin laab Dabadeedna xaajada Dib u eegistuu waday Isagoo digniin qabay Dibindaabyo loo dhigay Ka dabaalay gabigood La dardaaran shacabkii Talo daawo noqotoo Isku duubni keentoo Ninkastoo dareenloo Damiirkiisu nool yahay Qaranimo u dayr tahay Marna aanu diidayn Maqalkooda deeqsii Daliilkeedu waxu yahay Raga kii digtoonaa Digorogashadoodii Iska diid hayaankii Nacaskuna docdiisii Dalandool socdaalkii Xisbigii ka digo rogay Nin ka duday xilkiisii Kuba daali maayee Ma ogtahay ducaalow Duqay waayo aragoo Dugsi gaara furatoo Duruus gaara bixisoo Arday dooran qoratoo Casharada duxdoodiyo Darsi gaara siisoo Dalka lagu hagaa jira Ma ogtahay ducaalow Rag daboolka saaroo U faq daaya madaxdoo Ka ilaasha dibadoo U diyaarabaa jira Ma ogtahay ducaalow Nin dabaalanaayoo Daldalool ka eegtoo Dugsanaaya beentoo Dabayl raacayaa jira Ma ogtahay ducaalow Rag dilaala beentoo Dakhli badan ku qaatoo Ka danaystaybaa jira Daliilkeedu waxu yahay Dib u curashadeenee Xeerkiyo distoorkii Dimuquraadi lagu qoray Foodka loo dareeree Doorashooyin lagu galay Rag dabraaya baa jira Xisbiyada docdoodii Rag duleeyaybaa jira Bahal daba qaloociyo Dulin lagu abuuroo Dildilaacshabaa jira Daliilkeedu waxu yahay Waa duul siyaasiya Dir kastoy wadaagaan Damacbaa dhex yaaloo Dagaal hoosebaa jira Duulaanku waa hadal Waa dood afmiishaar Dablay loo hubeeyiyo Daba laabka qorigiyo Dilku waa ka xaaraan Darajada u waynee Dalacaada bixisee Dadku ay jeclaystaan Dariiqeeda loo maro Dalcad weeyi dheeroo Figta buurta daaliyo Daruurtay la siman too Dabin iyo shirqooliyo Dakanooyinbaa yaal Damanaha war mooga ah Laga daday xanteedoo Waa lagu danbaabaa Qof kastoo daneeyoo Damaceedu qaadaa Raaxadaa ka durugtoo Dirqibuu u nool yahay Da”ana way ku korodhaa Daliilkeedu waxu yahay Xilldhibaan la doortoo Xillka duubka loo sudhay Danyartiyo miskiinkiyo Dabatada kaluunkiyo Bulsho duurka joogtoo Duunyada kusoo dhaqa Daryeelkooda muu siin Daliilkeedu waxu yahay Dadka diiftu haysee Baahidu la daristee Daranyadu u wehel tahay Rag u soo dalxiisoo Doonyaha ku gooshoo Diyaarado u raacoo Darajada u waynee Dalacaada bixisiyo Madaxnimo ka doonoo Ka danaystay waayadan Dacwadooda maan qorin Wali dood kamaan furin Mar labaad ducaalow Raga dayrka dhaafee Doobigoodu buuxee Tartan loo diyaarshee Dalbanaaya madaxnimo Labadaba doraadbaan Xukunkooda daawaday Daliilkeedu waxu yahay Mar haday dirsoociyo Daw dhaafka xeerkiyo Dulmi ay wadaagaan Mar hadaan dulqaadiyo Dabci lagu hogaanshiyo Daganaansho lagu hubin Mar hadii ducaalow Xeer lagu dabraayoo Xisbinimada daafaca Sharcigooda lagu darin Mar hadii daryeeliyo Danta guud waxuu taray Dadku aanay garanayn Isku soo dabaaloo Mar hadii ducaalow Daacadnimo ka dheer tahay Laba daran mid dooray Dadka ay u joogtaa DHAMAAD MAANSADA ( DAALACAN ) EE ABWAAN SACAD X MAXAMUUD GAHLE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|