|
|||||
WAJAALE NEWS
Garabka Isbahaysiga Kulmiye Maxay Ku Soo Kordhin Doonaan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, Saamayn Intee Leeg Ayay Se Ku Yeelan Karaan Xisbul Xaakimka Kulmiye
October 6, 2016 - Written by Editor:
Hargaysa(wajaalenews)Wax Ka yar haaf sanad ayaa ka hadhay mudo xileedkii labada sano ahaa ee loo kordhiyay xukuumada haatan talada dalka haysa ee Kulmiye, ka dib mudo shanta sano ah oo ahayd mudo xileedkii xalaasha ahaa ee ay shacabwaynaha Somaliland sida xorta ah ugu doorteen madaxweyne silaanyo oo ku afgo,anaa laba sano ka hor,waxaanay shacab waynaha Somaliland mudooyinkii ugu danbeeyay wadnaha farta ku hayeen cida ay dooran doonaan doorashada soosocota, ka dib jaha wareer siyaasadeed oo ay ka qaadeen nidaamka sadexda xisbi u shaqeeyaan xiligan oo warwar wayn ku beertay shacabka, iyada oo ay la baxeen gugii bilaa mucaaradka ahaa, taas oo macneeheedu yahay habqanka siyaasadeed iyo khilaafyada hadheeyay xisbiyada mucaaradka ee waqtigan,iyada oo xiligan khilaf hor leh halakeeyay xisbiga Ucid halka xisbiga kale ee wadani ay ka muuqatay habqan badan oo dhinaca dhaqdhaqaaata mucaaradnimo iyo kan qaab dhismeed ee xisbigaba, maadaama waxyar ka hadhsan yahay mudadii loo cayimay inay qabsoonto doorashadu oo dhawr jeer dib u dhacday. Hadaba waxaa Shalay si rasmi ah ugu biiray xisbiga Wadani xubno aad miisaan ugu leh dalka oo in mudo koobana ka maqnaa saaxada siyaasada, kadib markii xubnahan loolan adagi dhexmaray gudoomiyaha haatan ee xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas oo xiligaas ay isu eedeen hanashada kursiga musharaxnimo ee xisbiga Kulmiye oo shirkiisa golaha dhexe qabsaday nov.15.2015 taas oo isgarbin adag ka dib ay dibada uga baxeen xubnahani xisbiga Kulmiye. Habada waxay iswaydiintu tahay maxay ku soo kordhin karaan xubnahani xisbiga? Waa marka hore ee xubnahani waa xubno mudo aad u dheer xilal sare ka hayay xukuumadan Axmed silaanyo,mudadii ay joogeena qabtay arimo badan oo lagu xasuusto waxaana hubaal ah in mid walba haysto shacbiyad aad u badan waxaanay xisbiga ku soo kordhin karaan taageero laxaad leh. Waa marka labaad ee xubnahani waa xubno tirsanaya cadaalad daro kaga timid dhinaca xisbigii ay ka tirsanaayeen,waxaana tani keenasaa in ay u bambaxaan sidii ay ficil iyo loolan adag ula gali lahaayeen xisbigii ay wax ka tirsanayeen oo ah xisbul xaakimka Kulmiye waxaanay taasi keenaysaa in ay xubnahani geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii uu u guulaysan lahaa xisbiga Wadani.
Waa Marka sadexxad ee xubnahani waa waa xubno siyaasiin ah caana ka ah guud ahaan gobolada Somaliland dabcan mid walbana waxa uu saamayn taban ku leeyahay deegaanka uu ka soo jeedo maadama ay mudo dheer ka mid ahayeen xukuumada markaa waxaa suuro gal ah in ay xubnahani siyaasad hufan la yimaadaan oo ay wax wayn ka badalaan xisbiga. Waa marka afraadee xubnahani waa kasoo kala jeeda guud ahaan gobolada somaliland ayna midaysay ujeedo qudha sidaas darteed wax waynbay ka badali karaan dhinac kasta xusbiga ay ku biireen Waa marka shanaad ee waxay manta xisbiga Wadani u tahay waqti cadceedi u soo baxday waxaanay tani suuro galinasaa in ay aqoon yahano iyo siyaasiyiin kale ay ku soo hirtaan in ay ka mid noqdaan xisbiga Wadani, waana mid ahmiyad wayn u leh maanta. Dhinaca kale xisbul xaakimka Kulmiye ayay dhabarjab iyo jaanis lumay u tahay ku biiritaanka ay xubnahani muhiimka u ah bulshadu ku biireen xisbiga mucaaradka ah ee wadani,maadaama ay waqti badan banjoog ahaayeen oo ay haboonayd in hogaanka xisbiga Kulmiye ay la galaan wada hadal ay ku soo jiidanayaan xubnahan, sidoo kalana ay ahayd gacan qaad iyo iska cafis in ay ku dayaan xubnahan oo ay hore isku eedeen,waloow sida la tilmaamo ay xubin aad muhiim u ahayd ay la galeen hogaanka xisbiga Kulmiye wada hadal mana cada taasi.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|