|
|||||
WAJAALE NEWS
Ganacsade Maxamed Aw Siciid Oo Ku Hungoobay U Gacan Haaadinta Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani Iyo Magacyada xubnahan.
October 18, 2016 - Written by Editor:Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo Maalmihi Udanbeeyay ku sugnaa Magaalada Hargaysa Iyo isku Dayo Uu Taageero ugu Raadinayo Murashaxa Xisbiga kulmiye Oo Badi Dhicisoobay+ Wixii kala Qabsaday!!HARGAYSA(W.N) Ganacsadaha reer jabuuti Maxamed Aw Siciid oo maalmihii udanbaysay ku sugnaa magaalada hargaysa ayaa la sheegay in uu bilaabay olole siyaasadeed oo u taageero ugu raadinayo murashaxa xisbiga kulmiye kuwaasi oo sida xigahan tibaaxeen uu ku bartilmaameedsanyo xubno sare sare oo katirsan xisbiga wadani iyo qaarkamida culimada waawayn ee dalka isagoo sida lasheegay dhamaan masuuliyiinta uu labadii habeen ee udanbeeyay isku dayay in uu ku qacinyo in ay taageero lagarab istaagaan muuse biixi , sidoo kale ganacsadahan reer jabuuti ayaa dhamaan masuuliyiinta uu siyaabaha kala duwan ula xidhiidhay si cad ugu sheegay in ay kasoo baxaan xisbiga ay ka tirsan yihiin isagoo ku beerlaxawsanay in beelaha ahaan loogu hiilyo murashaxa xisbiga kulmiye halka uu badalkeedana soo qadimayay in ay sheegtaan xil iyo wixii ay u baahan yihiin aduun lacageed. Waxaanay Ilo wareedyo ka agdhaw ganacsadahan iyo hogaanka xisbiga Kulmiye oo ay heshay shabakadan wararka ee Wajaalenews tibaaxayaan in habeenkii xalay ahaa aanay seexan hogaanka xisbiga Kulmiye oo isagu safar ku maqnaa mudo iyo ganacsadaha la xulafoobay ee oo maalmahan u danbeeyayba ku hawlanaa sidii looga jawaabi lahaa taagerayashii kala duwan ee ku biiray xisbiga ee wadani Iyada oo wararku intaa ku dareen in ay Habeenadii ugu danbeeyay guryahooga ugu tageen xubno aad muhiim ugu ah xisbiga Wadani kuwaasi oo ay ka codsadeen in ay qaadacaan shirka golaha dhexe ee xisbiga Wadani kuna soo biiraan xisbiga Kulmiye,balse nasiib daro aanay taasi u suuro galin oo ay faro madhan kala yimaadeen dhamaan xubnahan kala duwan oo qaarkood ay khadka telifoonka kula xidhiidheen, waji gabaxna ay kala kulmeen xubnahan ay faro madhnaanta ay kala kulmeen ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isagu dalka dibadiisa kumaqan laguna xidhiidhay khadka telkiisa gacanta, xildhibaan bashiir tukaale, Sheekh Aadansiiro, ,Axmed Xamarje, iyo xubno kale oo katirsan saraakiisha sar sare ee xisbiga Wadani. Waxaanay wararku intaas ku darayaan in ay jirtay qadar lacageed oo uu ku baayacay xidigahan, ganacsadahan isagu ku kaliyaystay taageero uraadinta murashaxa kulmiye.Balse gabi ahaanba aanay waxba uga suurto galin, Hogaanka xisbiga Kulmiye ayaa baryahan danbe ku hawlanaa sidii ay xidigo cusub uga soo iibsan lahaayeen xisbiga Wadani oo mudooyinkii u danbeeyayba ay isku shubeen badi baarqabka bulshada oo ay hor kacayeen garabkii isbahaysiga Kulmiye, taasi oo ay hogaanka Kulmiye u arkeen mid khatar galinasa in ay guul ka gaadhaan doorashada inagu soo fool leh ee loo qoondeeyay in ay qabsoonto horaanta sanadkan 2017.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|