Fagaarihii Koowaad Ee Fanka Weedhsame | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fagaarihii Koowaad Ee Fanka Weedhsame
October 25, 2016 - Written by Editor:

Madashii u horaysay ee Weedhsame Ka tiriyo maanso. Waxay ahayd dugsiga sare ee Tima-cade (Qalax) ee Gabiley.

Urur dugsiga aanu ka samaynay ayaa wuxuu sameeyay in Sanad walba la qabto bisha Oktoobar 19-keeda munaasibad loogu magac daray “MAALINTA ABWAANKA DA’DA YAR” oo ula jeedkeedu ahaa in ardayda hibada hal-abuurka leh ee ardayda ku dhex jirta la siiyo fagaare ay hibbadooda ku soo bandhigaan oo dadka kalena ogaado.

Inta aan ka xasuusto ilaa 3 goor ayuu ururkii ardayda uu qabtay. Ururka magaciisu wuxuu ahaa CYVO (Continental Youth Organisation). Markii dambe waxaa fikirkii nagala wareegay hay’adda Waddaniga ah ee la yidhaa AKAADAMIGA NABADDA ama APD oo berrigaa magac kale lahayd. Dhowr goor oo ay qabatay tartan suugaaneedna waan ka qayb-galay anigoo soo raacay Xasan Daahir Ismaaciil. Waxaan tartanadaa ku bartay abwaanka wayn ee Sidiiq Maxamed Birmad oo isna tartanka ka qayb-galayay. Weedhsame iyo Sidiiq Burmad dhowr goor bay kaalmaha koowaad iyo labaad kala galeen.

Kharashka ku baxay xaflada videogan ka muuqata dhamaantii Xubnaha ururka oo dhamaantood ardayda dugsiga ahaa ayaa nusasaacahoooda ka bixiyay. Munaasibadan oo ahayd tii u horaysay waxaan xasuusanahay dhalinyaradii ka qayb-gashay waxay tiradoodu dhamayd 6 ilaa 8. Waxaan ka xasuustaa Xasan Daahir Weedhsame, Craxmaan Maxamed Macallin(Baas), Crashiid, Cabdikarim iyo Aadan (reer jabuuti ayuu ahaa inankani. Muddo koobana wuu inala joogay).Weedhsame, Baas iyo Crashid waxay noqdeen abwaano iyo Macalimiin af-Soomaaliga u dhigay kumaan kun arday oo min dugsi sare ilaa jaamacad ah (Ilaa imikana waa macalimiin). Sidoo kale suugaantooda Weedhsame iyo Baas ayaa iyaduna saamaysay boqolaal kun ama malaayiinba.

Anigu (Vidoega waxaan ka muuqdaa daqiiqada 1:25 iyo dhamaadka) waxaan ku magacownaa gudoomiyaha ururka oo aan cod fartaag ah hal cod kaga helay aadan maxamed Aden Warsame oo hadda Kanada ku nool oo markii dambe noqday dhalinyaradii dhistay dallada SONYO gaar ahaan nidaamkeeda xisaabeed isagiyo Siciid Faarax Miigane. SONYO hay’adadaha samafalka waxaan odhan karaa ta ugu horsysa xagga nidaamka xisaabeed dhinaca ban-yaalnimada iy xisaabtanka.

Waxaa xusid mudan sheeko na dhex martay aniga iyo Weedhsame habeenkii ka horaysay Xaflada iyo sacaadihii ka horeeyay. Abwaan Xasan wuxuu ka gaws adaygay inaanu dadka hor imanayn. Aad baanu ugu calool adaygnay wuuse diiday inuu soo istaago. Ragii kale way ka quusteen, aniguse waan ka hadhi waayay.Mar dhexe waxaabu igu yidhi “Adigaan kuu dhiibi waraaqaha ee adigu ka hor jeedi dadka oo dheh ninka halkaa soo fadhiya ayaa leh (waa isaga)”. Ugu dambayntii wuu iga aqbalay waanu kaga dayaamiyay tixda qiimaha leh ee video-ga aad ka daawaday.

Waxaan iyana xasuustaa in ardayda badankeedu oo anaga laftayadu ku jirno berigaa aanay ururnimada fikir badan ka haysan. Ka ugu soo dhow ee fahmay wuxuu qaar kale noogu sharaxay inaanu nahay ” JIMCIYAD HAWEEN OO KALE”. Beryahaa dumarkaa jimciyaddo wax la yidhaa lahaa. Waxase jiray nin dhalinyarada naga yar wayn ahaa oo isagu aan dugsiga dhigan jirin balse mar kasta oo aanu hawlleenahay na caawin jiray oo na dhiirigelin jiray oo la yidhaa Adan Wali ama Adam Haji (hadda ku nool maraykan).

Muddadii aanu dugsigaa sare ee qalax ku jirnay ururka waxaa u qabsoomay inuu fuliyo mashaariic dhowr ah oo ay ugu waynaayeen : Maalinta abwaanka da’da yar, Aasaaska maktabad kooban oo wax lagu akhristo oo magaalada ka dhex furnay, aqoon-is-waydaarsiyo faarax oomaar (Faarax Oomaarna waxaan ku bartay Siciid Shiil, Mushtaaq iyo Hibo Craxmaan Dheere) na dhex maray, iyo dayactirka garoonka kubada kolayga qalax iwm. Dhamaan mashaariicdan waxaanu ka fulinay jeebka ardayda.

Markii dambe waxa caqab nagu noqotay maal-gelinta jeebkayaga oo koobnayd iyo dhamaystirka dugsiga sare oo ardaydii kala firdhisay oo ay jaamacaddo kala doonteen. Kooxdii xaga Hargeysa u soo kicintay waxay ka mid noqdeen qaarkood aasaasayaasha SONYO halka kuwii Boorame iyo Camuud u doontay waxbarashadu deegaankaa la fal galeen. Anigu Hargeysa ayaan u soo tahriibay muddo xileedkaygii oo aan dhamaan waanan is casilay.

Dood dheer kadib ururkii waxaanu isla garanay, in ururkii aanu ku wareejino dhalinyarro kale markii badankaygu aanu Gabiley ka guurnay. Ujeedooyinka ururka ayay ka mid ahayd in dhalinyaradda hogaaminta ku barato isla markaana uu noqdo ururku mid u sahla dhalinyarada ka qaybgalka hawlaha adeega bulshada iyo iskaa wax-u-qabsada. Dhalinyaradii la wareegtay waxaa ka mid ahaa #Maxamed-amiin Cumar Dheere oo hadda ah Maayarka Degmada Gabiley ee Gobolka Gabiley.

Lama tirin karo loomana kala hadhin aasaaska hawlaha ururkan sida munaasibadan ABWAANKA DA’DA YAR LEH raggii iyo hablihii ardayda ahaa ee aanu ku wada wadnay. Waxaanse xusi lahaa qaarkood hormood noo ahaa sida Siciid Faarax Miigane, Caqli, Aadan warsame, Cxamiid M. Cumar (Allaha u naxariisto), Ismail M O Gasle, Sucdi Sucdi, Maxamed Xaashi Muuse, Adam Haibeh Farah, Kawsar M Rashid, Sacdiya Maxamed Muuse, Xamda, Abdi Ahmed Farah Kahin, Deeqa Haybe, Cabdilaahi Cabdi axmed, Abdinasir Cawil, Idriss Daud Muse, Awga ama Cabdi Cumar, Craxman M Muraase (Allaha u naxariisto) iyo Said MG, Cabdisamad Axmed Xaaji, Axmed Faarax Jaamac iyo qaar kale.

Ugu dambayntii waxaa sharaf ii ah inaan goob-joog ahaa munaasibaddii u horaysay ee abwaanku fagaare soo istaagay. Sidoo kale waxaa farxad ii ah inaan ka mid ahaa ururkii iyo ardaydii daaray dhimbiisha hal abuurka abwaanka qaranka Weedhsame ee dadka af-Soomaaliga ku hadla oo dhan iyo dadka reer soomaalilaan oo dhan gaadhay. Dhimbiishaas oo qudheedu sii hurisay kuwo kale oo badan.

Allaa Mahad leh,

Hamse Khaire

COMMENTS
LINKS