Fadeexada Ka Taagan Gudi Isku Magacwadey Gudida Beesha Habar Awal Ee Ololaha Murashaxa Jagada Madaxweyne Oo Kaadhadh Usoo Sameystey Qaadhaan Ururin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexada Ka Taagan Gudi Isku Magacwadey Gudida Beesha Habar Awal Ee Ololaha Murashaxa Jagada Madaxweyne Oo Kaadhadh Usoo Sameystey Qaadhaan Ururin.
October 10, 2016 - Written by Editor:

GUDAHA EEG’ Numbarada Yaboohda Qaadhaanka Muuse Biixi ee Gudaha Hargeysa!!!

Hargeysa(WJN)-Waa markii labaad ee ay dibada usoo baxdey fadeexada ku xidhiidhsan kaadhadh lagu soo daabacey Accountyo loo furey Qaadhaan loo gurayo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye arintan oo si fashilan uga soo baxdey xubno xilal ka haya Xukuumada iyo Xildhibaabo katirsan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo sheegtay Gudida Beesha Habar-Awal ee qaadhaamada ololaha.

Qaadhaankan oo fadeexad badani ka dhalatey kadib markii Gudaha Caasimada Hargeysa lagu qeybiyay kaadhadhka lagu soo daabacey  Accountka looga furey Dahabshiil, Adeega Zaad iyo Edahab ee qaadhaanka loogu ururinayo Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Arintan oo Xubnaha Gudidan sheegtey Beesha Subeer-Awal ee ololaha Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye isku magacaabey ayaa la sheegay in ismaandhaaf ka dhashey Munaasibad ay ku shaacin lahaayeen Qorshahooda qaadhaan ururinta oo lagu qaban lahaa Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,taas oo ay badelkeedii ku qeybiyeen kaadhadhka ay ku muujinayaan ururinta Qaadhaanka Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Talaabooyin Fadeexadan ku xidhiidhsan ayaa hore loogu baahiyay Warbaahinta kadib markii la ogaadey qaadhaan Maayarada Berbera,Hargeysa iyo Gabiley looga yaboohay Murashaxa Kulmiye taas oo la ogaadey ilaa cadadka lacagta qaadhaanka lagu xukumay sadexdan Maayar inkastoo ay fadeexadani ka biyo diideen qeybo badan oo kamid ah taageerayaasha Muarashaxa jagada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi laakiin lama oga in Kooxdan Gudida ololaha Muuse Biixi ee Beesha Subeer Awal sheegtay uu raali ka yahey Murashaxu iyo in aanu ka warheynin halka dad badani tuhunsan yihiin in ay qorshahan ogoleysiiyeen ka hor intii aaney bilaabin hawsha qaadhaanka marka loo eego kalsoonida ay ku qeybinayaan kaadhadhkan,inkastoo dad badani aaminsan yihiin in ay tahey mashruuc laga soo dheegtay ololayaashii hore ee Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinkii hore oo ay kusoo faa,ideen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta(ilkacase).

Numbarada Yaboohda Qaadhaanka Muuse Biixi ee Gudaha Hargeysa

Dahabshiil:Hrgd56241

Zaad:4700340

edahab:9154802

 

QALINKII  Kaahin Dheeg Xasan

 

 

 

COMMENTS
LINKS