|
|||||
WAJAALE NEWS
FAALLO:Dannaha Is-diidan Ee Danneeyayaasha Doorashooyinka Qeybtii 3-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad
October 3, 2016 - Written by Editor:Qormaddeena soo socota waxay ku faah-faahin doonaa khataraha siyaasaddeed ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi uu mid kastaaba doonayo inuu ka kale ka caabiyo,si uu guulaysto qorshe-khariiradeedka ay samaysteen. Faysal Cali Waraabe,Maxaa khatar Siyaasaddeed Ku Ah? Su’aashan waxa laga yaaba in aanay jawaabteedu u fududaan sida laysu weydiinayo,waayo waxay ku sal-leedahay odorosyo-siyaasaseed iman-doona oo mar kastaba sidii la-filyay si ka-duwan noqon kara,balse waxaynu ku dedaalaynaa inaynu ugu yaraan sawir-la-fahmi karo ka bixino khatara siyaasiga ah ee Faysal ku gedaaman wakhti-xaadirkan ama kuwa kusoo fool leh Mustaqbalka dhaw. Faysal Cali Waraabe,waxa uu hadda hogaamiye-ka-yahay Xisbigga UCID oo ah kan ugu da’da weyn Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland,waxaana lagu tilmaamaa inuu calanka u sido siyaasiyiinta hadda saamaynta togan ku leh geeddi-socodka Siyaasaddeed ee Somaliland.Ujeedka ugu weyn ee sida uu marar badan sheegay uu siyaasadda usoo galay waxay tahay inuu wax-ka-bedello habka dhaqan-dhaqaale ee ay ku nool-yihiin Shacab-weynaha reer Somaliland,waxa uu ka mid ah shaqsiyaad qurbe-joog ahaa oo dalka u yimid si layskugu soo dhaweeyo Beeshiisa iyo Xukuumadda Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo wakhtigaas colaad sababtay inuu Dagaal-sokeeye dalka hadheeyo dhex-martay,iyadda oo ugu danbeyntii lasoo af-jaray. Waxa leeyahay hammi ah inuu dalka Madaxweyne ka noqdo,balse walli kumuu guulaysan qorshahaas isaga ah,waxaanu labbo jeer u tartamay musharax Madaxweyne,balse kuumuu guulaysan. Faysal Cali Waraabe,waxa lagu tilmaama inuu yahay Siyaasi laab-xaadhan oo aan inta badan qarsan Karin waxa uurkiisa ku jira. Waxa la sheegaa inuu yahay shaqsi ay ku weyn-tahay Somaliland-nimaddu oo fagaarayaasha si cad ugu weerara ciddii uu u arko inay Somaliland dhaawac-la-maagan-yihiin. Waxa uu si weyn u kala yaqaanaa qabaa’ilka Somaliddu iyo Deegaamaddooda oo wakhtiyaddii hore kasoo shaqeeyay,ka hor intii aannu siyaasadda kusoo biirin. Dadka dhaliilaa waxay ku tilmaamaan inuu yahay siyaasi aan go’aan joogto ah lahayn,isla-markaasna ay suura-gal-tahay in waxii uu shalay aaminsanaa uu maanta fikrad ka duwan la-shiryimaado. Mudada dheer uu ku fadhiyay Kursigga Gudoomiye-nimmo ee Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID,waxay keentay inuu samaysto asxaab badan oo Caalamka iyo gobolkaba ah,waxaana uu inta badan shirar kaga qeyb-galaa wadamadda Caalamka.Waxa uu xidhiidh-dhaw la-leeyahay Wadamadda,Haay’addaha iyo Ururadda Somaliland ka-taageera dhinaca Doorashooyinka iyo geeddi-socodka Dimuqraadiyadda. Doorashadda Soo socota ee la-filayo inay dalka ka qabsoomto sannadka 2017-ka, waxa Faysal Cali Waraabe u qorshaysan inuu noqdo Musharax Madaxweyne oo markii saddexaad ka sharaxan Xisbigga uu budh-dhigiisa leeyahay ee UCID,balse markan inuu kursigga madaxweyne-nimo ku guulaysto,waxa kala weyn inuu yimaado Musharax kale oo Madaxweyne-nimaddiisa ka raalli-yahay,isaguna aannu ku qaddin ee Xisbiggiisu ka helo Mansabyo waaweyn oo ugu yaraan saddex meelood labbo ka ah guud ahaanba Laammaha kala duwan ee Dawladda;sida Fullinta,Garsoorka iyo Gollaha wakiiladda,taas oo uu aamminsan-yahay in aannu fursad noocaas ah helaynin haddii aannu gallin khamaar siyaasaddeed. Qodobka ugu weyn ee aynu rabno inaynu hoosta-ka-xariiqno ee Mustaqbalka Siyaasaddeed ee Gudoomiye Faysal Cali Waarabe khatar siyaasaddeed ku ahi waxa weeeye,iyadda oo ay dhalato sannadka 2017-ka Xukuumad uu madaxwene-ka-yahay Siyaasi ay Faysal Cali Waraabe col-siyaasaddeed yihiin,taas oo keenaysa inay soo gabo-gabawdo inuu kusii dhex-jiro Saaxadda Siyaasadda,inta intaas ka horsaysa Faysal waxa ka go’an talaabbo kasta oo uu arrintaas kaga hor-tagayo inuu qaado,xataa haddii ay taasi keenayso inuu Musharax noqdo Teeramkii Saddexaad,isaga oo walli aan kalsooni buuxda ku qabin inuu guulaysanayo.Waxa uu hadda xidhiidh wanaagsan la-leeyahay Xukuumadda uu wakhtigu kasii gabo-gabadayay ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne SIILAANYO,isaga oo muddo dheer mucaarad-darbi ah kusoo ahaa Xukuumadda iyo Xisbigga ay ka dhalatay ee KULMIYE-ba,waxaana uu hadda u muuqdaa Siyaasi aan labbo-furimood oo dagaal-siyaasi ah aan isku-furrayn,taas oo keenni karta inuu Qorshihisu hir-gali-waayo. Madaxweyne SIILAANYO oo aan mar-labaad tartan doorasho galayn iyo kala-danaysiga Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE,waxa loo arkaa in cidda kalli ah ee si wanaagsan hadda uga faa’iidaysatay ee qaar ka tirsan garabyadda is-hirdiyay gacan-saar hoose la lihi inuu yahay Gudoomiye Faysal,isaga oo ujeedkiisa ugu weyni-na yahay inay halkaas uga soo baxdo Fursad kaga mid-noqon-karo shaqsiyaadka loo-dabo fadhiisto taladda Guud ee Dalka,isaga oo haysta Jaanis aanay haynin Siyaasiyiin badan oo Saaxadda dibadda ka-jooga,ka dib markii ay mid noqon-waayeen Saddexda Xisbi Qaran ee Dalka hogaamiya. La-soco.. Qeybaha danbe,Haddii Eebbe Idmo. W/Q:Mohamed Hassan Daacad,Suxufi,qoraa ah, Email: Daacad461@gmail.com Related posts:Dhacdooyin;Haweeney Caan Ah Oo Dalka UK Ah Oo Iibisay Tigidho Lagu Daawanayo Markay Umulayso Ilmo Ay... Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Sarkaal Ciidanka Bada ka Tirsan Oo Shil Gaadhi Ku Geeri... Waxa jira Orgi qaylo badan oo habeenkii marka xoolaha la xareeyo qaaqda gura, Balse reer miyigu ay g... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|