|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Turkiga Oo Walaac Ka Muujisay Doorashooyinka Dalka Soomaaliya.
October 29, 2016 - Written by Editor:Ankara(Wajaalenews)-Safiirka Dawlada Turkiga u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambasador Olgan Bekir, oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban, ayaa walaac ka muujiyay Faragalinta dawladaha shisheeye ku hayaan Doorashada dalka Soomaaliya. Safiirka ayaa qoraal uu ku baahiyay Barta FACEBOOK ee safaarada Turkiga ku muujiyay niyad xumi ka dhalatay fara gelinta shisheeye ee hawlaha geeddi socodka doorashooyinka Dalka Soomaaliya iyo qaabka loo maamulayo sida. Kulankan oo khamiistii ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ayaa lagaga hadlay sida loogu guuleysan karo caqabadaha amni iyo mid dhaqaale ee ka hor iman kara doorashada Somaliya. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. Cumar Dhagey ayaa u xaqiijiyay Safiirka Turkiga inay ka go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo hab cadaalad ah. Turkiga oo xilligan Faragalin Siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku leh dalka Soomaaliya ayaa muuqda inaanu wax faragalin ah ku laheyn arrimaha doorashooyinka Soomaaliya . Sidoo kale waxaa muuqata in dawladda Turkiga ay tartan adag kala kulmayso Imaaraadka Carabta oo xilligan u muuqda mid saameyn ku yeelanaya Siyaasada Soomaaliya. Related posts:Shacabka Caasimadda Hargeysa Oo Aan U Kala Hadhin Soo Dhawaynta Waftigii Madaxweynaha JSL Iyo Muuqaa... DAAWO; Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalo Kasoo Yeedhay faysal C... “Shacabka Reer Sool, Waxay Muujiyeen Ilbaxnimadooda Iyo Inay Doorashooyinka Diyaar u Yihiin” Badhasa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|