Dagaal Khasaare Sobobay Oo Ka Dhex Qarxay Maamulada Galmudug Iyo Puntland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Khasaare Sobobay Oo Ka Dhex Qarxay Maamulada Galmudug Iyo Puntland
October 7, 2016 - Written by Editor:

 

 

Hargaysa(wajaalenews)Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo kuwa Galmudug ee ku kala sugan Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamo katirsan maamulka Galmudug ayaa saakay weerar ku qaaday goob laga dhisayay maxjar loogu tala galay in lagu xareeyo xoolaha kahor inta aan Boosaaso Dakadeeda laga dhoofin , waxaana maxjarkan dhisaayay maamulka Puntland.

Ku dhawaad 5-qof oo u badnaa labada dhinac ee dagaalamaya ayaa ku dhintay dagaalka kuwa kalana wey ku dhaawacmeen, waxaana wali qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ka socda dagaal goos goos ah oo labada dhinac u dhaxeeya.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaana wali ka hadlin dagaalkan saakay ka dhax qarxay ciidankooda, waxa uuna dagaalka ka socdaa meel ku taala xadka ay labada maamul wadaagaan ee Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

COMMENTS
LINKS