|
|||||
WAJAALE NEWS
Cali khaliif Galaydh Oo ka Hadlay Wadahadalka Somaliland iyo khaatumo fartana ku fiiqay faro galino Uu Sheegay in lagu hayo.
October 2, 2016 - Written by Editor:Buuhoodle(W,N) Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay isaga baxayaan wada hadalka ay kula jiraan dawlada Somaliland, hadii aysan joojin waxa uu ugu yeedhay fara felin iyo kala qeybin ay ku wadana dadka reer Khaatumo. Cali Khaliif ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn inuu ku biiro dawlada Somaliland, waxaana uu beeniyay warar soo baxayay oo sheegayay inuu ku iirayo Smaliland . “War aniga meeshaas waxba kama rabo, waxba kama noqonayo, nimankaas fara gelin bey nagu hayaan, siyaasiyiinteena, odayaasheena iyo dadkeena ayay kala qeybinayaan”ayuu yidhi Dr. Cali Khaliif. Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu iska diiday inuu ka qeyb galo shirka ka socdo Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo beesha Dhulbahante ee degta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn sida uu yidhi. Wada hadalo u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo ayaa dhowaan bilowday, waxaana wada hadaladan looga gol lahaa, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaha soo noq-noqday ee labada dhinac u dhaxeeya iyo in dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen. Related posts:Wariye Bishaaro Baande Oo Warbixin Xasaasiya Ka Diyaarisay Madaxtooyada Jsl Iyo Tirada Mashaariicda ... DAAWO; Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xukuno Kala Duwan ku Riday Magafayaal Oo Lagu Qabtay Iyagoo Xeeb... Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Ahmiyada Dekedda Berbera U Leedahay Somaliland Iyo Dalalka Gobolkaba! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|