Burundi Oo Xayiraad Saartay Sadex Shaqaale Oo Qaramada Midoobeey Ka Tirsan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Burundi Oo Xayiraad Saartay Sadex Shaqaale Oo Qaramada Midoobeey Ka Tirsan.
October 11, 2016 - Written by Wariye:

burundiHargeysa(WJN):-Dalka Burundi waxa uu xayiraad saaray seddax baarayaal oo Qaramada Midoobeey ka socotay.

Wuxuu maamulka dalkaasi sheegay in seddaxdaasi qof aysan dalkeeda soo gali karin.

Arrintani ayaa ka dambeysa kaddib markii dowladda Burundi ay ku eedeeyeen inay xadgudub baahsan oo ka dhan ah aadanaha geysatay.

Warbixin la daabacay bishii dhammaatay, baarayaasha waxay ku xuseen in kumannaan qof la jirdilay, la kufsaday ama la waayay intuu qalalaasaha siyaasadeed ka socday Burundi.

Waxay sidoo kale ka digeen in xasuuq uu ka dhici karo dalkaasi.

Go’aanka xayiraadda lagu saaray khubarada UN waxa uu imaanayaa maalmo kaddib markii Burundi ay sheegtay inay ka bexeyso maxkamadda ICC-da.

In kabadan 500 oo qof ayaa ku dhimatay qalalaasaha, kaas oo bilowday sanadkii tagay, kaddib markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu mar seddaxaad xilka qabto.

Ugu yaraan 270,000 oo qof ayaa dalkaasi ka qaxay muddadaasi gudaheed.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS