Afhayeenka Garabka Toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga Waddani Eng Daauud Abiib Axmed Oo Eedihii ugu Cuslaa U jeediyey Musharaxiintii Is Cumaamaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Garabka Toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga Waddani Eng Daauud Abiib Axmed Oo Eedihii ugu Cuslaa U jeediyey Musharaxiintii Is Cumaamaday.
October 25, 2016 - Written by Editor:

Marka hore waxaan u mahad naqayaa dhamaan taageerayaasha balaadhan ee garabka toosinta xisbiga wadani gaar ahaan gudomiyaha iyo golaha dhexe ee shalay u doortay Axmad muumin seed inuu ahaado gudoomiyaha toosinta xisbiga wadani ,

madashii shalay intii joogtay inay ahayd cududii iyo baalashii uu kuduuli jiray xisbiga wadani halkan uu maanta joogo soo gaadhsiiyay hadaba somaliland waxay leedahay dastuur afti shicib ay ugu codeeyeen 97% muwaadininta reer somaliland kaasi oo ah sharciga dalkan lagu hogaamiyo laguna kala danbeeyay .

Waxaan ushegayaa cabdi raxmaan cirro iyo nimanka xisbiga wadani burburiyay inaan qofna sharciga ka weynayn .hawaawi beena ayaad ku dhaqaaqdeen. Hubaal runtii xubnihii golaha dhexe ee shalay shirka wadatashiga ah kuyeeshay inaanu go’aansanay sharciga in aanu latiigsano cadaaladaradii lagu sameeyay axmad muumin inay taasi tahay markhaati madoon qofkasta oo wadanka jogaana uu ogyahay. hadaba (ninkuyidhi sinaan mayno adna diid sarayntiisa sadka waad wadaagtaan)abwaan hadraawi. Waxaan balan kuqaadayaa inaan usoo dhiciyo xaqii uu dastuurku siiyay iyo xeer hoosaadka xisbiga gudomiyaha axmad muumin waxaan u arkaa nimanka xisbiga wadani burburiyay inay sacab gacan kaliya kugaraacanayaan ummadii s/land way aragtay dulmiga iyo musuqa aad samayseen iyadoo tiradii golaha dhexe ee xisbiga wadani lagaranayo in dusha lagaga keenay dad aan Kuba jirin xisbiga wadani balse sifo qayra sharciya daaqada looga soo galiyay.

Gudomiye axmad muumin seed wuu uqalmaa nin loo hiiliyo libin lagaaga danbeeyaa libin maaha ee waa inoo iyo doorashada ciyaaari waa galin danbe waa inoo fagaaraha codaynta

Eng . Daauud abiib axmad ijaara hargaysa

tell :0634570305

COMMENTS
LINKS