XUKUUMADA SOMALILAND OO SHEEGTAY INAY AWOOD U LEEDAHAY INAY BIXISO KHARASHKA KU BAXAYA DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XUKUUMADA SOMALILAND OO SHEEGTAY INAY AWOOD U LEEDAHAY INAY BIXISO KHARASHKA KU BAXAYA DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA
September 19, 2016 - Written by Editor:

Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay Inay Awood U Leedahay Inay Bixiso Kharashka Ku Baxaya Doorashada Golaha Wakiilada

Hargeysa(WN):-Xukuumada somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay awood u leedahay inay bixiso kharashka ku baxaya doorashooyinka golaha wakiilada haddii beesha caalamku go,aansato inaanay bixin kharashka ku baxaya doorashadaasi.

Wasiirka arimaha dibada somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay xukuumadu awood u leedahay inay bixiso dhaqaalaha doorashada wakiilada ku baxaya waxaanu yidhi “Haddiiba ay dhacdo in caalamku uu inaga caawin waayo doorashada labaad sida ay yidhaahdeen inkasta oo aan anigu wali qabo inay inaga caawin doonaan hadana waa wax aynu ku filanahay, somaliland miisaaniyadeedu waxa weeyaan ilaa $300,000,000 (Sadex Boqol oo Milyan Oo Doolar) kharashka ku bixi doona doorashaduna lagama yaabo inuu ka bato lix

ilaa sideed milyan, waynu ka bixi karnaa xitaa haddii aynaan miisaaniyada ka jarin dadkeena ayaa bixin kara wax sidaas u sii weyn oo buuran maaha, mana ahaa inaynu cabsi ka qabno inaynu arinkaa  ku guulaysan karno , haddii laynaga caawiyo waa wanaagsan haddii kalana inaga ayaa qabsan karna.” Ayuu yidhi wasiir Sacad oo u waramay Startv.

Sidoo kale waxa uu wasiir Sacad sheegay inay doorashada madaxtooyadu ku dhacayso wakhtigeedii ta wakiiladana la qaban doono waxaanu yidhi “Doorashada madaxweynuhu way dhacaysaa insha allah ta baarlamaankuna way dhici doontaa haddii aanay wax duruufo ahi inagu iman laakiin sida uu qorshaheenu yahay labada doorashaba way dhacayaan.”

Wasiirka arimaha dibada somaliland Sacad Cali Shire ayaa sidoo ka hadlay go,aankii madaxweynuhu ka gaadhay doorashooyinka “Go,aankii madaxweynaha ee in la kala qaado labada doorasho waxa uu ku salaysnaa qodobo badan oo dastuuri ah oo siyaasi ah oo farsamo ah oo ay ka mid ahayd go,aankii sadexda xisbi ee ahaa in madaxweynuhu arinkaas ka taliyo wixii talo ah ee uu ka soo jeediyana ay qaadan doonaan.”

 

COMMENTS
LINKS