Xikmada Maanta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xikmada Maanta.
September 11, 2016 - Written by Wariye:

Waxa aa murugooda marka aan muraayad hor istaago ee aan ku sigto in aan muqeyga garan waayo is badalka igu dhacay dartii
Waxa aan murugooda marka aan xiseeyo wakhti fiican oo I dhaafay in uu isoo noqdo

Waxa aan murugooda marka aan xusuusto qof wanaagsan oo adduunyada kaga anba.baxay safar aan soo noqosho laheyn

Waxa aa murugooda marka aan muraayad hor istaago ee aan ku sigto in aan muqeyga garan waayo is badalka igu dhacay dartii

Waxa aan murugooda marka aan cod dheer oo qaylo dhaan ah aan dirto ee aan cid I jawaabta aan waayo

Waxa aan murugooda marka aan dareemo dulmi la igu hayo oo aanan tag u heynin in aan nafteyda ka difaaco

Waxa aan murugooda marka aan jaceyl dartii uga tanaasulo

waxyaabo badan oo nafteyda u baahneyd
Waxa aan murugooda marka ay duruufuhu igu qasbaan in aan ma.baadidayada qaarkood badelo si ay noloshu u socoto

Waxa aan murugooda marka waayuhu I badaan in aan jilo kaalin aan igu habooneyn

Waxa aan murugooda marka aan ku qasbanaado in aan cagteyda hoos dhigo shey kasta iyo ruux kasta oo aan jeclaa si aan uga dhigto kaabad aan ku gaadho meel sare oo aan hiigsanayo

Waxa aan murugooda marka aan sii diiran u gacan qaado gacan aan ogahay ilaa xadka ay wasakheysan tahay

Waxa aan murugooda marka aan isu qaloociyo dhinaca duufaanku u dhacayo aniga oo ka baqo qaba in aan isu adkeeyo oo ka dibna ay qasab igaga riixdo meesha aan taag nahay oo aan doonayo in aanan ka dhaqaaqin
Waxa aan murugooda marka aan dareemo in ay igu hareeraysan yihiin dad ay duruufuhu igu qasbayaan in aan la joogo

Waxa aan murugooda marka aan arko duruufaha iyo waayaha aduun ee gadisan oo igu riixaya in mid mid aan uga tanaasulo himilooyinkii aan mudo dheer ku riyoonayey
Waxa aan murugooda marka aan cod dheer ku qoslo aniga oo doonaya kaliya in aan codka dheer ku qariyo reenka oohintayda
Waxa aan murugooda marka aan dareemo in aan sabab u ahay/ murugada dhibta ruux kale u silcayo

Waxa aan murugooda marka aan dareemo saxiibo badan oo garabkeyga istaagi jirey uu waayuhu na kala kaxeeyay

Cumar Aadan <cumaraadan@gmail.com

COMMENTS
LINKS