|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaalado Cakiran Oo kasoo Cusboonaaday lixda Goobood Ee lagu Marunsan Yahay Iyo Xukuumada Jabuuti Oo Si Hoose u Abaabulaysa Colaad ka Istaadhma Deegaanada Waqooyiga .
September 7, 2016 - Written by Editor:LUGHAYA (W,N) Wararka Aanu ka helay Guud ahaan deegaanada Waqooyiga somaliland iyo deegaanada lughaya iyo saylac ayaa tibaaxay in ay ka socoto is abaabul maleeshiyaad beeleedyo Isku diyaarinaya in ay ka horyimaadaan diwaangalinta codbixiyayaasha ee lafilayo in maalmaha soo socda ka bilaabanto lixda goobood ee lagu marun san yahay ee waqooyiga gobolka maroodi jeex. sidoo kale wararka ayaa tibaaxay xukuumada Jabuuti ay si Hoose u abaabulayso madax dhaqameedka gobolada awdal iyo selel sidii ay safka hore uga gali lahaayeen saansaanta colaad laga cabsi qabo in ay ka dhaco deegaanada Dhanka kale wararka aanu arimahan ka helayno ayaa intaa ku daray in masuuliyin ka mida xukuumada jabuuti oo maalmihii udanbaysay lu sugnaa deegaanada xeebaha somaliland oo ay qabaa,ilka u qaybiyeen hub iyo saanad kale oo dagaal. Isku soo wada duub oo shacabka somaliland ayaa maalmihiii udanbaysay aad isku waydiinayay dhawaqa xildhibaadabad awdal iyo selel iyo guud ahaan madax dhaqameedka deegaanadaa oo ku hadlayay Ereyo xanaf leh oo ay u dirayeen beelaha kale ee somaliland waxayse iskwaydintu tahay xukuumada jabuuti maxaa ugu jira hurinta colaada kala dhex dhigo shacabka somaliland ee walaalah mise heshiiskii dekeda berbea iyo DP WORLD ayaa somaliland usoo jiiday colaad aanay ogayn shacab iyo madaxba?!!!!
Source Cabdi Abdilaahi.(Aleele) Goob Jooge ku sugan deegaanada xaaladu ka taagan tahay SOMALILAND OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|