Waxyaabaha Hor-Istaaga Koritaanka Shirkadaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxyaabaha Hor-Istaaga Koritaanka Shirkadaha.
September 11, 2016 - Written by Wariye:

Waxa la yidhahda 1000 shirkaddood wax ka yar 40 ama 4% cimrigoodu ma gaaro 10 sano.Sidoo kale,in kastoo dhimashadu niyad jab

Waxyaabaha is hortaaga in sharikaadku waa faro badan yihiin, sida ay u badan yihiin waxyaabaha dhiirigeliya korintaanka iyo koboca ganacsiyadda,lakiin waxay ganacsiyaddu ku kala duwan yihiin u nuglanshaha dhimashada. Dhimashaduna, in kastoo, ay soo wajahdo sharikaadka oo dhan, haddana, sida la xaqiijiyay waxay aad ugu badan yihiin shirkaadka yaryar marka loo eego shirkadaha waaweyn.

Waxa la yidhahda 1000 shirkaddood wax ka yar 40 ama 4% cimrigoodu ma gaaro 10 sano.Sidoo kale,in kastoo dhimashadu niyad jab,saamayn dhaqaale iyo mid sumcadeed ku keento qofkii aasaasy shirkadda, haddan,sida dad badani yidhadan. Dhimashadu waxay sixitaan ku samaysaa suuqa ganacsiga.Dhimashadu waxay dhaqaalaha ka leexisa meelaha faa’idadoodu yartahay waxaanay u leexisa meelaha faa’idadoodu badan tahay.

Waxaaba la

yidhahdaa, soo afmeeridda sharikaadka dhaqaale ahaan suuqa iyo tartanka ku sii jiri karin waxy u fiican tahay dhaqaalaha waddanka iyo mujtamaca, WAAYO, waxay madax banneeyaan hanti,aqoon iyo waaya’aragnimo aan si fiicaan looga faa’iidaysan markii hore.

Marka laga hadlayo eray bixinta loo isticmaalo dhimashada waxa loo kala saara noocyo kala duwan sida haddii shirkaddu tahay mid qof leeyahay(sole proprietorship) dhimashadooda waxa la yidhada way Kacday,Suuqay ka baxday,ama waa musaliftay. Halka sharikaadka xudduud leh(Limited) la yidhahdo way dhimatay(Death). Dhimashada shirkadaha waxa lagu qeexa: waa soo afmeerista lahaansho shirkadeed.

Waxa mihiim ah dhimashadu maaha oo keliya khasaare alaabo/adeeg oo shirkada ku yimid, lakiin waxa kale oo ay noqota mid kaga yimid dhinaca tartamayaasha,dhinaca shirkadaha alaabta ka soo iibiya ama asbaabo kale oo khaas ah sida qofka oo xanuusta ama gabooba.

Bal aynu isku dayno si kooban in aynu u taxno arrimaha ugu waaweyn ee keena dhimashada ama fashilka shirkadaha ganacsiga.

·         Aqoondarro dhanka suuqgeynta ah.

·         Iibka oo hoos u dhaca

·         Koboc aan lagu talo gelin oo aan loo sii meel samaysan

·         Danaha ganacsiga iyo ka qoyska ama qofka oo iska hor yimaada

·         Goobta shirkadu ku ganacsanaysay oo laga saaro

·         Isbededeladda suuqa oo aan aqoon fiicaan loo lahayn

·         Kharashaadka joogtada ah oo sarreeya

·         Khatarta tartamayaasha oo sare u kacda.

·         Isbedel ku yimaada qofka ama qoyska

·         Maalgelin faro badan oo si bila xisaabaha lugula dul kufo

·         Daymaha oo yaraada

Aad bay u badan yihiin waxyaabaha keen dhimashada ganacsiga yar yar lakiin waa kuwa ugu badan ee leh saamaynta u badan layskuna dayo in si aqoon iyo xikmad leh iyadda oo la kaashanyo khibrad laga hortago.

Alla mahad leh idil ahaanteed.

W/Q :Abdinajah Ismail

Najah Ismail

COMMENTS
LINKS