Wasiirka Madaxtooyada OoXabsiga u Taxaabay Muwaadin Aragtigiisa ka Dhiibtay Maamul Xumada Dalka Haysata. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada OoXabsiga u Taxaabay Muwaadin Aragtigiisa ka Dhiibtay Maamul Xumada Dalka Haysata.
September 17, 2016 - Written by Editor:

Wasiirka madaxtooyada  Somaliland Maxamud xaashi ayaa maalintii khamistii xabsiga u taxaabay   muwaadin aragtidiisa ka dhiibtay maamul xumada xukumada siilaanyo mawaadinka oo lagu magacaabo Engineer  Saleban siciid cumar oo ka mid aqoonyahan dalka  fikirkiisa ugu xidhan muddo sadex cisho ah xarunta  dambi baadhista  somaliland ee loo yaqaan ( C.I.D)  taas oo la sheegay inuu amarka wasiirka madaxtooyada u mawaadinkani ugu xidhay yahay taas oo ehelada iyo asxaabta  ku booqatay xarunta uku xidhan yahay  mawaadinku u sheegay in u wasiirku ka biyo diiday maqaalo hore u qoray Engineer  Saleban siciid cumar oo ku saabsanaa  arinta wareejinta dekada  Berbera iyo deegaanka degmada laasgeel  , ma ah markii ugu horeeysay inuu wasiirka madaxtooyadu u xidho mawaadin aragtidiisa ka dhiibtay maamul xumada  xukumada siilanyo waxa u hore xabsiga ugu taxaabay abwaan Siciid gahayr oo ka mid bahda qalinlayda iyo fanka somaliland,

Waxaana ugu baaqay bahda saxafada iyo qalinlayda inaan marnaba hanjabada iyo cago juglaynta u la soo baxay wasiirka madaxtooyada  Somaliland Maxamud xaashi   aan marnaba kagga gabsan xaquuqda u dastuurkeenu inoo baneeyey inuu qofku dhiiban karo aragtidiisa iyo dhaliilsha kolba jirta  ,

Waxaana marlabaada canbaaraynayaa xadhiga xaq darada ah u wasiirka madaxtooyada  Somaliland Maxamud xaashi kula kacay labada mawaadin waxaana leedahay xadhigu marnaba noqonmaayo xal balse waxa haboon inay xukumadu qaato dhaliisha ay shacab  tilmaamaya  ,sidoo kale waa inuu si dhakhso leh xoriyadooda gu soo celiyaa mawaadinta u sida xaqdarada u xidhay ee   Saleban siciid cumar  .

Qore: Rashid axmed ismacil (rashto)

Email: rashto550@gmail.com

COMMENTS
LINKS