Warar Dheeraada Oo kasoo Baxaya Dagaal Beeleed Mar Kale Ka Qarxay Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Ceel Afweyn. iyo khasaaraha ka Dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraada Oo kasoo Baxaya Dagaal Beeleed Mar Kale Ka Qarxay Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Ceel Afweyn. iyo khasaaraha ka Dhashay
September 23, 2016 - Written by Editor:

Ceerigaabo(W,N):-Waxa Saaka uu mar kale dagaal ka curtay deegaanka Sincaaro oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn.

Dagaal beeleedkan ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa uu u dhaxeeyaa dablay ka soo kala jeeda beelihii  hore ugu dagaalamay deegaanada ka tirsan degmada Ceel Afweyn.

Wararka dagaalkaasi ka soo baxaya ayaa sheegaya inay jirto dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac ee dagaalku dhex maray.

Sida ay  xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalku ka dhacay ku sugani, ciidamada qaranka somaliland ayaa deegaankaasi u gaadhay inay kala dhex galaan labada beelood ee mar kale dagaalku ka dhex qarxay, iyada oo wararku sheegayaan in ciidamada gurmadka ahi ay jiidheen hal qof oo geeriyooday.

Xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay deegaanka ka tirsan Ceel Afweyn ayaa saamayn ku yeelatay gudaha magaalada Ceel Afweyn, iyada oo magaalada lagu soo rogay xaalad deg deg ah, waxaana dhex maraya oo kaliya ciidamada RRU-da iyo gaadiidkooda.

Xukuumada somaliland ayaa maalmo sii horeeyey sheegtay inay soo xalisay colaada ka taagan deegaanada ka tirsan degmada Ceel Afweyn.

COMMENTS
LINKS