|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah ;Ardayda Waxka Barata Dugsiga Sare Ee Qalax oo Iskugu Soo Baxay Mudaharaad Balaadhan iyo Maamulka Gabiley oo u Adeegsaday Awood Ciidan + Gurmadki Wasiir Samsam Iyo Gabashadii Maayar Aamin.
September 18, 2016 - Written by Editor:GABILEY(W,N) Boqolaal arday oo kamida ardayda wax kabarata Dugsiga sare ee Qalax Secondary ayaa saaka iskugu soo baxay dibaxyo Ay kaga Cabanayaan Macalin La,aan soo food saartay Iskuulka iyo maamulka gobolka oo Dheg udhigi waayay dhowr jeer oo ay hore cabasho ugu soo gudbiyeen. Ardayday ayaa saaka aroortii hore waxay iskugu soo baxeen jidadka Magaalada gabiley Dhexmara Iyagoo ku Dhawaaqayay Ereyo ay kamid ahayd “Yeeli mayno in Aanu wayno macalimiin marka ay bishu kow tahay lanagu soo saaro fiiga iskuulka. Waxan Dalbanaynaa in si deg dega ah looga jawabo Cabashadayada, Dhanka kale Maamulka Gobolka Gabiley ayaa kala dareeerinta dibad baxayaashan u adeegsatay ciidamada kala duwan kuwaasi oo markii danbe xoog ku kala dareeriyay Dhanka kale wasiirada maaliyada marwo samsam cabdi aadan ayaa iyadfu ku tagtay magaalada gabiley safar gurmad ah kaasi oo ay isky dadyaysay jn ay hoos u dhigta xaalada adag iyo isku soo baxa ardayda iskuulka qalax Halka maayarka magaalada la sheegay in uu intii hore gabanayay in uu la hadlo ardayda balse markii ay wasiiradu soo gaadhay in isna dhinaca kasoo raacay, WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WAJALENEWS
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|