Tixdan DARDAARAN waa baaq nabadeed Colaada ka ka taagan degmadiisa Ceel-Afweyn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tixdan DARDAARAN waa baaq nabadeed Colaada ka ka taagan degmadiisa Ceel-Afweyn
September 4, 2016 - Written by Wariye:

TAARIIKH. 02..09. 2016
Epost:Omar.a.abdi@gmail.com

Dardaaranka maansadayda
Dabuubta ujeedadeedu
Dan iyo nabad raadin weeye
Colaad daminteeda weeye

Dareen saxa garashadiisa
Dagaal xal inaanu keenin
Ayay dulucduna tilmaami.

Belaayada daacufteeda
Hadaan daankeed la qabanin
Haddaan durbadii la joojin
haddaan loo laba diblaysan
Inaan dabadeed la gaadhin
Horaa loo qoray digniinta

Damiir laawaa ordaaya
Damiinkiyo xaaluf daaqa
Midkaa xurgufaha duraaya
Midkaa xinjiraa dugsanaya
Midkaa adi kugu danaysan
Midkaa xaaraan daldalaya
Dilaalka hankiisu liito
Diin-laawe xabaala uus ah
Midkii doqoniyo dabaalka
Hadaydaan diiday odhanin
Hadhow dux waxaad ka dheefto
Adaa dacarteeda leefi

Dabuubtuna waa sarbeebe
Dadkuna waa gacal is jecele
Kadaa dulmigiyo xumaanta

Siday duug-reebtu sheegtay
Dameeraha Awdal daaqa
Ninkii dalbadaa aroorsha
Dagaalna ninkii bilaaba
Ayaa danbarkiisa maala
Marwaa dulinimo aduunka
Marwaa daran iyo cadaabo
Naartiyo deregyadeeda
Marwaa durdurada jaxiima
Ninkii doortaa magowsha.

Dad ehel iyo wada walaal ah
Degmiyo wada oolin yaala
Dar iyo daaq wada wadaaga
Duq iyo wada wiilshiis ah
Ul iyo diirkeeda wada ah
Dantoodu rasaasta maaha
Dal iyo qaran laguma haysto.

Dadyow dugsi qudha u hoyday
Maxaad gacalkaa u dooxan
U duudsiyi lama huraanka
Dhalaan iyo ooryo daalan
Duqaydiyo wada magayno
Maxaad aqalka uga dumisay
Maxaad maatada u daadin
haweenka maxaad u dubatay
Maxaad hengel ugu dabooli?

Dadyoow mahurtiyo xigaali
Adaan kula doodayaaye
Runtaan farta kuu daraayo
Miis iyo dabaq kuu dulsaaray
Haddaad diidaan xaqiiqda
Haddii xaqa daah la saaro
Hadaan nabad lagu dabaalin

Garoo waxa kuu danbeysa
Adoo dulinimo hulaaban
Inaad dugsiyada yaxoobsan
Inaad deerada ka liidan
Inaad dugayeey barooran
Adoo ilmada iska duugi
Inaad dib u qoomamayso.

Markaad dildilaha is goyso
Dugaagiyo nacabka heedhe
Kuwaan kugu diirsanaaya
Maxaad farxada ugu deeqi?
Maxaad dulmiga ugu heesi
Maxaad duni nooga reebi
Maxaad denbiga u xambaaran?

Dagaalka dhacoow ha waarin
Dayaanka baxoow ku hiifay
Madfaca dig yidhow habow dhe
Dufkiyo irbaduba ku duushay
Adaa dunida iga reebay
Midkii dhaxan iga dugsiyayey
Adaa doorkaygii laayey
Adaa xorfadaha ku duugay
Danlaawe adoow adeega

Midkaa dusha kaaga taagan
Midkaa ridihiyo dalbadaha
Midkaa garab kaa deldelaya
Midkaa amar kugu dalbanaya
Aqoontii daah ka fuushay
Alloow u safee damiirka

Midkaa dalbadoow hanlaawe
Hadmaad khayrkaa la doodi
Hadmaad dadnimda u hiilin
Hadmaad qaranimo daadahayni

Haddii dhegi kuu daloosho
Dardaaran warkiis ku siiyey
Anoo samahaaga dooni
Anoo xumahaaga diidi
Inaan dar ilaah u sheegay
Allaha aan shey ka daahmin
Dul jooguhu waa markhaati
Ducona waa noo su’aali
Inuu denbigeena dhaafo

Bishaan xashka loo dareerey
Ayaamahan eebe doortay
umce iyo duhurkaan la joogo
Allow ducadayda oofi
Intii kuu daacad noqota
Intii samaha u dadaala
Intii diintaada raacday
Intii muslinimo u dooda
Intii aan daalin noqonin
Dhamaan ehelkiyo dadkeyga
Intii dunida hadda joogta
Intii hore aan u duugnay
Intii xaqa aan ka daalin

Alloow maqal dalabyadooda
Alloow ana igu dar qoobka
Intaad Janadii ku deeqday

Allow naga dami colaada
Adaa daalacan quluub’e
Midkii dabka sii shiyaada
Midkii dib u sii hulaaqa
Midkii dugob saari dhuxusha
Midkii xalka sii durkinaya
Dedaalada nabada diidan
Dantiyo qaranimo legdaaya
Midkii xaqa duudsiyaaya
Alloow dunidaba ka suuli.

Ilaahow noo denbi dhaaf
Ameeeeeeeeeen
…WA  BILAAHI TOWFIQ…

COMMENTS
LINKS