|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Si qotodheer U Sharaxay Sababta Mar Kasta War-Murtiyeedyada IGAD Loogu Daro Qodobka Midnimada Somaliya Ka Hadlaya.
September 15, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(W,N) Siyaasi Ismaacil maxamuud Hurre Bubaa oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay shirkii urur goboleedka IGaD ee ka qabsoomay somaliya ee lagu soo hadal qaaday midnimada somaliya,waxaanuu sheegay in mar kaste oo shir laysku yimaado ay iska magac u yaal iyo maamuus tahay in midnimada lasoo hadal qaado,laakiin dawlada Somaliland looga baahan yahay in la sameeyo dadaal lagaga hortagayo. Siyaasi Ismaaiil Buubaa oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii uu madaxwaynuhu ku kaka qaaday doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada Somaliland. Isaga oo ugu horeyn ka hadlay shirkii IGAD ee warmurtiyeedkiisa midnimada lagaga hadlay ayaa waxa uu yidhi. “Shir kaste oo IGAD ah ama golaha amaanka waa la yidhaahdaa midnimada somaliya waa muqadas,baratakoolada ayay kamid tahay marka arimahaasi lasoo hadal qaadayo,laakiin waxa loo baahan yahay in Somaliland arintaasi dadaal aad iyo aad u xoogan badan ka gasho,waxaanan xukuumadda Somaliland usoo jeedin lahaa sidiii looso afjari lahaa arinta ku shuqul leh midnimada layskugu yimi lixdankii,oo laba dawladood oo walaalo ah wada shaqayn karana aynu noqono,xukuumaduuna waa inay la timaadaa fal curis waana inay ka hadashaa sidaasi sidii ay u suurtoobayso,oo qaddiyada madaxbanaanideeda ujeedisaa beesha caalamka ,wadamada geeska Africa,caamatan dadka somaaliyeed iyo dadka somaliyeed ee degan somaliya ee aynu lixdankii isku darsanay,arintu waxay u baahan tahay in ictiraaf raadintu halka ay taalo laga eego oo meel aanu ictiraaf kazoo baxayn aan wakhtiga layskaga lumin” Siyaasi Ismaacil Buubaa waxa uu sheegay inaanay qadiyadda madaxbaanida Somaliland ahayn goosasho balse ay tahay lasoo noqosho madaxbanaani. “Somaliland codsigeedu maaha goosasho laakiin waa soo celinta madaxbanaanidii ay heshay lixdankii”ayuu yidhi Ismaacil Buubaa. Siyaasi ismaaciil Buubaa mar aanu waydiinay sida uu u arko aragtidiisa ku waajahan go’aankii madaxwaynaha eekala qaadista labada doorasho ayaa waxa uu ku jawaabay “qanuun maxkamadeed ayaa meesha yaala,qanuunka maxkamaddana cidi kama sarayn karto,madaxwaynuhuna wax qanuunka khilaafsan ma keeni karo,baarlamaanka iyo guurtiduna ma keeni karaan,kol hadii arintii lagu heshiiyay ee qanuunku ku salaysnaa ayaa looga fadhiyaa in lagu dhaqmo dadka reer Somaliland.. Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar uu ka hadlay aragtida beesha caalamka iyo kala qaadista labada doorasho ayaa waxa uu yidhi. “waxa caalamka jira qanuun sharciya,waxaana calaamku isku xukumaa xukun,xukunkana cidi kama hor tagto caalamkuna waxa uu uga fadhiya dawlada Somaliland inay xukunkaasi fuliso”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Siyaasi Bubaa.
Xigasho Geeska Related posts:War-Murtiyeed:Hala doodo, waa wax hala hagaajo,Yaan la doodin oo sacabkuun hala tumo waa dibu-socodn... DAAWO; “Anigu Waxaan Islahaa Inta Maamulka Muuse Biixi Gaadhayo 100 Cisho Ha Hadlin, Balse Lays lama... Gudida Tacliinta Ee Somaliland Oo Soo Saaray Liiska Jaamacadaha Loo Ogolaaday In Ay Bixin Karaan Kul... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|