Shacabka Caasimada Hargaysa oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Adeega Internetka Ee Shirkada Somcable!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Caasimada Hargaysa oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Adeega Internetka Ee Shirkada Somcable!!!
September 6, 2016 - Written by Editor:

Tan iyo intii la bilaabo in somaliland la keeno adeega internet xawaarihiisu dheereeyo ee loo yaqaan fiber Optic ayaa bulshada somaliand siwayn ugu riyaaqeen in ay mar uun helaan adeeg wanaagsan oo ah shacabka ka haqab tira isticmaalka internetka kaasi shirakada SOMCABLE iyadu ay keenayso adeegan kaasi oo bada hoos teeda Laga soo jiidayo.

somcable

hadaba tan iyo mudadii ay xukuumada somaliland ogolaatay in shirakada somcable dalka keento adeegan islamarkaana ay kooto ugu xidhay mudo 25sano ah kaasi oo mudadaa aanay cidkale dalka keeni karin xiligana laga joogo 6 sano iyo dheeraad ayaa waxay shirkadu dhawaan ka bilowday tijaabada adeegan internetka dhawr magaalo oo kamida somaliland kaasi oo Ay ugu horayso caasimada hargaysa iyo qaarkale

waxaase meelaha ay aadka uga bilowday shaqada kamida hargaysa iyadoo ad arkayso xafiisyada ay ku leedahay xaafadaha magaalada oo ay shacab badani safaf ugu jiraan sidii ay uqaadan lahaayeen amaba ay iskugu diwaangalin lahaayeen sidii ay guryaha u gashan lahaayeen iyo iibsiga Routaro ay shirkadu  keentay oo qimahoodu aad usareeyo, haday hatay kuwo lagu dhex isticmaali karo gaadiid marka ay socdaan iyo goobkasta oo aad joogo.iyo kuwa kaleba

Rajo laga qabay iyo helida adeeg fiican oo bulshada ka haqabtira ayaa markaliya isku badalay adeegaan aan waxba dhaami kuwa ay bixiyaan shirakadaha Somtel iyo Telesom kaasi xiligan umuuqda mid aan waxba ka tirin baahidii bulshadu uqabtay helitaanka adeega INTERNETKA waxayna  xiligan bulshadu reer somaliland  cabasho xoogan ka muujinayaan warwarna ku abuurtay adeega shirkada SOMCABLE oo noqday mid aan habayaraatee lahayd Xawaarihii laga filayay sidoo kalena aanay magaalada kawada jirin Anyeenooyinka ay shirkadani isticmaasho kaasi oo iyaguna qayb kanoqday adeega xumada shirkada

dhanka kale  macaamiisha shirakada Somcable ayaa   cabasho wayn ka muuiyay habka shirkadu ula dhaqanto macaamiisheeda oo ay sheegeen in ay tusaale ahaan RUOTERKA kaa siinayaan Qiimo Dhan 55$ iyagoo kaa qaaday lacag kale oo ah in ay kuugu shubayaan isticmaalka Hal Bil o DHan 25$ oo hadii ay bisha hal maalin dhaafto amaba galin kaliya aanad awooda u lahayn wax isticmaala oo dhaafsisan sodankaa cisho ee laa iibiyay laguguna shubay kaasi oo ay ku sheegeen in aanay waxba dhaami shirkadii markii horeba  bixin jiray adeegan internetka qiimo ahaan Adeeg Ahaan oo ay waliba Somcable ka Adeeg qaalisan tahay, Sidaasi Waxaa yidhi mid kamida Macaamiisha Somcable,

Isku soo wada duub waxaa laga war sugidoonaa waxa ay shirkada Somcable ka badasho Adeegeegs  xawaraha, qiimaha iyo sidoo kale dhanka wada gaadhsiinta adeega ee dalka oo dhan waxaasi dadka wax idha indheeyaan ku tilmaameen in anay shirkadani isticmaalin  dad aqoon u leh hawlaheega balse ay ku shaqayso oo kaliya qaab qaraabo kiil ah oo ay shaqaalaha u qaadato dadka aqoonta leh aanay aad u doorbidin la shaqayntooda.

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS