Saamayn Intee leeg Ayay ku Yeelan kartaa Qaadhanka Lacageed Ee Sadex Maayar Ugu Balan Qaadeen Muuse Biixi? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saamayn Intee leeg Ayay ku Yeelan kartaa Qaadhanka Lacageed Ee Sadex Maayar Ugu Balan Qaadeen Muuse Biixi?
September 28, 2016 - Written by Editor:

Run Ahaantii hantidaa ay balan qaadeen sadexda maayar waa arin aad u culus. Waxaana aad loogu hadal hayaa baraha Facebook ee “social network”. Waxaana la odhan karaa ee bartaa inooga muuqatii waa bisayl la’aan siyasadeed iyo mid shakhsiyadeed. Markaan ka hadlo bisayl la’ aanta siyasadeed;

sedexda maayar

1- Sadexda Maayar marka aynu u noqono shakhsiyan ma aha maal qabeeno. Somaliland umadu aad ayay isu taqanaa oo wax inoo kala qarsooni ma jiraan, qoys, qooysna waynu isu naqaana. Sadexda Maayar intii aanay noqonin amaba hananin jagooyinka ay hayaan hada waxa aynu ka wada dheregsanahay inaanay ahayn amaba awoodi karin ineey jeeb kooda ka dhiibaan hantida ay carabaabeen balan qaadeena, Oon ka ahayn in laga saaro khasnadaha maamulkooda umadu u igmatay.

 

2- Qaladka kale ee aay ku dhaceen ayaa ah in xiise qaaday awgeed in xiisahaasi dhaafiyay ineey ka fakaraan waxa iyaga kaga iman kara marka laga tago dhibaatada ay Xisbiga usoo jiidayaan iyo sida ay u wiiqi karto Musharaxa Xisbiga Kulmiye. Ma ay garan in siyaasadu u baahan tahay is tartiibin badan iyo inaad waxyaabo badan lagu fuliyo siriyan oo ah qaadhaanka ay musharaxa ugu deeqayaan uu noqdo mid iyaga u gaar ah oo aanay lahayn in cid kale ogaato oo aan fagaare aanay kaga dhawaaqin maadaamo umada ay xil u hayaan lagula xisaabtamaayo.

3- Shakhsiyan markaan usoo noqdo Musharaxa Kulmiye ee qaadhankan loo uruurinaayay ayaa ku beegmay wakhti ay doorashadii fooda inaguba soo hayso oo ah wakhti daayacii la iska ilaalin jiray in qalad la galo. Iyo wakhti ay umadu dhamaantood heegan  ku jirto waxa kaliyee mideeyaana yahay wax yaabaha ay wadaagaan ee umadu leedahay. Waxaa kaloo jira in siyaasadii Somaliland ay wax badani iska bedeleen, taaso ah in bulshadu  yeesheen bar wadaag kulmiya oo wax yaabaha dalka ka jira iyo siyaasada  ku falanqeeyaan bartaas oo ah “Social network, Facebook & Twitter” oo ilaa xalay aad loogu qaadaa dhigaayay.

Sadexdaa qodob hadii aan ka gudbo waxaa dhalinyaradii dalka iyo dibadu la yaabeen waxa Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye ee Cashuurtii umada loogu qaadhaamay is bedelka laga filan karo hadii maantaba hantidii umada loogu deeqaayo. Waxa kaloo iyana isweydiin leh Muuse Biixi miyay u ololaynayaan sadex Maayar mise way ka ololaynayaan oo waa ” Political suicide “? Laakiin waxaa su’aashaas meesha ka saaraysa Muuse Biixi waa joogay goobtaa Maayaradu ugu balan qaadeen lacagtaa iyada ah. Hadaba waxaa is weydiin mudan toloow miyaanay jirin amaba aanu lahayn musharaxu la taliyeyaal dhanka siyaasada ah amaba “Campaign Manager” wata team wax la qaada dhiga kana sii fakara amaba wada tashi badan lasii yeesha Musharaxa iyo Team ka kambaynka qaabilsan oo  ay ahayd in ka hor inta aanu Musharaxu goobta loogu deeqaayay Laguna uruurinaayay qaadhaanka in ay isa sii waydiyaan “Analysis” badan ku sameeyaan kaaso ah ” the pro and con’s “. Intaa midina may dhicin waxaana dhaliishaas leh inta ku xeegaaran oo aay ahayd shaqadooda.

Waxaan hadalkayga kusoo koobaya in Xisbiga Kulmiye dacwadii kala qaadista labada Doorasho ee maalmihii inasoo dhaafay u taageero badan ku helay arintaas oo XISBIGA WADANI waxyeelo wayn u gaysatay marka aan eego faalooyinkii BULSHADA kasoo baxay, laakiin hada Qaadhaankan Maayaradu ku deeqeen ayaabad moodaa in Xisbiga Wadani aay dhibcihii kaga lumay kiiskii maxkamada in arintani kor ay usoo kaabayso oo hada Wadani ka dhibco sareeyo Kulmiye.

Qalinkii Aden Deeq

COMMENTS
LINKS