Nuxurka Kulan Dhex-maray Guddoomiye Cirro iyo Xubno Ka Mid Ah Siyaasiyiinta iyo Labeenta Beesha Degta Galbeedka Gobalka Sanaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Kulan Dhex-maray Guddoomiye Cirro iyo Xubno Ka Mid Ah Siyaasiyiinta iyo Labeenta Beesha Degta Galbeedka Gobalka Sanaag
September 28, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N):-Kulan is xog-waraysi ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo dhex-maray guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo xubno ka soo jeeda labeenta iyo haldoorka beesha degta galbeedka gobalka Sanaag, gaar ahaan degmooyinka Xiis iyo Dayaxa, ayaa ka qabsoomay guriga guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa.

sanaag 1

Kulankan oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, xildhibbaan Rayte, hoggaanka Fooramka dhalinyarada beesha Uduruxmiin Muuse, xubno ka socday qurbe-joogta dalalka Mareykanka, Scandanafiyanka, Biritan iyo Canada, waxaana ujeedka kulankaasi uu daarnaa is xog-waraysi ku saabsan xaaladda guud ee deegaanada ay degto beeshaasi iyo weliba doorka uu xisbiga WADDANI ka qaadan karo siddii loo gaadhsiin lahaa baahiyaha ay qabbaan oo ay ugu horreeyaan Waddooyinku. Wax wada la haanshiyaha deriska iyo ka qeyb-qaadashada dejinta colaadaha ka soo cusbaanaaday bariga Somaliland.

sanaag 2 sanaag 3

 

Sida oo kale, waxa kulankaas la isla soo hadal qaaday siddii ay beeshaasi door muuqda ugu yeelan lahayd isla mar ahaantaana ay taageeraddeeda u la barbar istaagi lahayd xisbiga WADDANI si loo xaqiijiyo himilada guusha ee Dooashada soo socota oo uu ku guulaysan doono Xisbiga WADDANI, iyaga oo haldoorkii iyo labeentii beeshaas ee halkaas maraysay ay balan-qaadeen in ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan siddii qarankan loo gaadhsiin lahaa isbedel muuqda.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo xulka haldoorka iyo labeenta beesha Uduruxmiin ee halkaas ku sugnaa ba waxa ay isla qaateen ka wada shaqeynta ilaalinta nabad-gelyada iyo danta guud ee qaranka Somaliland, ka qeyb-qaadashada iyo weliba in uu xisbiga WADDANI hormuud u noqdo dhismaha wadada Madheedh ee tagta degmada Xiis iyo siddii beesha galbeedka gobalka Sanaag ay xisbiga WADDANI uga heli lahayd saamigii ay ku lahayd.

 

 

COMMENTS
LINKS