MUUQAALKA ; Hagardaamada Shacabka Kasoo Gaadhay Shaqsiyaad ugu Suntan Lunsiga Hantidooda Oo Madaxweyne Siilaanyo Abaal Gud uga Dhigay Inuu Ku Maamuuso Xafladihii Qaranka Oo Kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUUQAALKA ; Hagardaamada Shacabka Kasoo Gaadhay Shaqsiyaad ugu Suntan Lunsiga Hantidooda Oo Madaxweyne Siilaanyo Abaal Gud uga Dhigay Inuu Ku Maamuuso Xafladihii Qaranka Oo Kale
September 6, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) jidka halbawlaha ee madaxtooyada hor mara oo maanta loo xanibay  xaflad indho sarcaad ah oo wasaarada macdanta iyo tamarta taasi oo saacado badan lagu jaray gaadiid tigniko oo gabi ahaanba lagu gudbay wadada  halbawaha ah iyo tacadi shacabka iyo xoolihii gaadiidka saar ku habsaday xili ay cadceeda dhacaysay aanay dad iyo dunyo mid u adkaysan karayn

sidoo kale dhacdadan maanta gabi haanba galinkii hore lagu xanibay wadada madaxtooyada hor martaa qayb wayn ka qaadatay simxadii suuqa iyo xanibaada gaadiid oo jidadka aad moodaysay in aanay kala soconba.

maanta 2  maanta 3

waxaase shacabka somaliland calaamatu su,aal ku noqotay madaxwayne siilaanyo mawaxa uu abaalmarin uga dhigay in jidka loo xidho xili shacabku marayeen jidka madaxtooyada hormara kana door biday dadkii duubka u xidhay wasiirka Macdanta iyo tamarta Xuseen Cali Ducaale  oo ku suntan wasiir ku tagrifalay khayraadkii dalka  laguna xusuusan doono masuul taariikhda baal madow ka galay isagoo ka faa,iidaysanaya Awooda qabiilka iyo baawarka madaxwayne siilaanyo in maant loogu abaal gudo in jidka loo xidho xaflada dhismaha wasaarada oo ay ku tabaca ruceen Haayado kala duwan hirgalinteeda  balse  aan ahayn hal dhibic oo wasiirku shacabka kaga soo celiyay  xaraashkii macdanta Siimoodi iyo iibka ciida berbera iyo tuugadii tiro beeshay ee dalka uu ka gaystay,

Si Kastaba Ha Ahaatee Hagar-Daamooyinka Shaqsiyaadka Madaxweyne Siilaanyo Xilalka Ku Cumaamaday Shacabka Soogaadhsiinayaan oo Tiro Beel ah ayaa tan maantuna qayb ka tahay, lama arag lamana maqal magaalo caasimad u ah dal dhan oo wadadii halbowlaha u ahayd baabuurta xamuulka iyo xoolaha nool sida marka laga tago shacabka caasimada in qadar dhan 10 saacadood, bulshada laga hor istaago, oo gaadiid iyo shacaba aan cidna looga aabo yeelin,

Shacabka ku dhaqan caasimada hargeisa waxaa inta badan ay isweydiintoodu ahay maanta “maanta Xaflad Qaranbaa Jirta, Mise Wafti Culusbaa Dalka Yimid, Ma Dhibaato Kale ayaa Dhacday,” Marka ay maqlaan waxaa dhibaatada intaasi leeg bulshada loo gaadhsiinayaa Madaxweynihii ayaa Xadhiga ka Jaraya Wasaaradii Macdanta iyo Tamarta, Qof walba Waxaa Maankiisa Iyo Maskaxdiisa uu is waydiinayaa Oo Ka Guuxaya, Wasaaradani Maxay Kagag Duwan tahay Wasaarado badan Iyo ha’ado Badan Oo Hore Xadhiga Looga Jaray,?

Halka Qaar ay iskugu jawaabayeen waxa ay kagaga duwan tahay ee sadbursiimaha intaasi leeg loosiiyey ninkan hore loogu eedeeyey lunsiga iyo ku taxtaxaashka xoolaha umada, qaraabo kiilka iyo qudhanku qarankan somaliland qiimihiisii hoose u dhigay.

COMMENTS
LINKS