MAXAA KAAGA BAXAY KHUDBADII MUUSE BIIXI EE JAAMACADDA TIMACADE !!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAXAA KAAGA BAXAY KHUDBADII MUUSE BIIXI EE JAAMACADDA TIMACADE !!!
September 2, 2016 - Written by Editor:

Markii Aan Dhegaystay ee aan dhuuxay khudbadii uu ka jeediyay gudoomiye Muuse biixi jaamacadda timacadde waxa iiga soo baxay waxa yaabo badan oo u baahan in la xuso qaybo ka mida hadii aan Xariiqo ama aan qoro dhawr qodob oo mihiima waxa aan xusi karaa ama tilmaami karaa dhowr kan qodob,

Ugu horayn gudoomiye muuse madashaas qalan jabinta kama jeedin khudbad wax barasho, oo anfacda ardayda maanta ka baxday jaamacada gabiley ee Timacadde inaba ma soo hadal qaadin ama xusin wax rajo ah oo uu u muujiyo ardayda maanta qalin jabisay mana sheegin wax qorsha yaal ah oo uu u hayo ama balan qaadayo maadama uu yahay Gudoomiyihii xisbi xaakimka iyo musharax Madaxwayne ee Kulmiye taasina waxa marag u tahay in aan kulmiye wax qorsho ah  ka lahayn xataa mustaqbalka dhanka Waxbarashadda iyo shaqo abuurka dhalinyarada,

Khudbada Gudoomiye Muuse biixi waxa ay aad ugu Nuux nuuxsatay gobolnimada gabiley iyada oo ay sidaasi tahay hadan ma sheegin in uu u xalaalayn doono gobolnimada gabiley oo shacabka reer gabiley 25 sano ku raad joogeen, hadalka muusena wuxuu u muuqday mid si siyaasadaysan oo waliba xirfadaysan u diidan gobolnimada gabiley taasi oo uu ku sifeeyay in gabiley dhul ahaan aanay qaadi karayn gobolnimo.

Sidoo kale gudoomiye muuse waxa uu sheegay ama xaadiriyay shaqsiyaad tijaara ama dad magac ku leh gobolka uu ka soo jeedo ee gabiley kuwaasi oo sheegistooda  ku la xaadsaday se waxa uu hilmaamay in amaantaasi marna wax seejisay, marna taariikh hore kusoo celisay xusuusta reer gabiley kow wuxuu muujiyey inuu yahay nin ku sifoobay in maalinta uu baahan yahay gabiley amaano maalinta kalena ku joogsado, xodxodoshadiisa maantuna tahay dhaqaale raadis oo uu baahidiisa gaarkaa sheegtay hilmaamayna baahidii ardayda qalin jabisay, iyo tii gobolnimo

Taariikh hore oo oo mudane muuse kusoo celiyey shacabka gabiley, markii muuse laga qaaday wasiirka arimaha gudaha waxa jirtay in koox ka mida calan-castii oo muuse hogaaminayaa gabiley shir ku qabteen iyagoo odayaasha gobolka u sheegay in muuse xilka ina cigaal uga qaaday gobolnimada gabiley darteed, isla markiiba mucaaradnimo ayaa gobolka ka bilaabantay isla maalmo gudahoodna wax ina cigaal cabasho arinkaa ku saabsan usoo gudbiyey waxgaradka gobolka, marxuum maxamed xaaji ibraahim cigaal markii warkii soo gaadhay wuxuu shir la qaatay waxgaradkii gobolka isagoo waydiiyey cida warkaa usoo gudbisay iyaguna waxay u sheegeen in muuse biixi warkaa keenay marxuum ina cigaal hadal kooban ayuu kaga jawaabay wuxuuna yidhi 7 cisho ii qabta aniga iyo muuse kaayaga diidan gobolnimada gabiley waa la ogaanee, isla markiiba wuxuu cigaal wuxu dib wasiirka arimaha gudaha ugu magaacabay muuse biixi cabdi, talaabadii xigtayna wuxuu dib ugu yeedhay waxgaradkii cabashada soo gudbiyey wuxuuna yidhi muuse isagaa wasiirkii arimaha gudaha ahee hasoo calaamadiyo xuduudihii gobolka ana waxan idiin balan waadayaa digreetada magacaabista gobolka iyo inaan baarlamaanka hor geeyo,  islamarkiiba gudi bay iskasoo saareen waxgaradkii reer gabiley waxa gudidaa ka mid ahaa oo maantana nool AW-CIISE GACANLOW waxay kulan la qaateen muuse iyagoo ka codsaday inuu xuduudaha gobolka xadeeyo, ilaahay wuxuu ogaa in muuse diidmo aanay filayn kala kulmeen una sheegay in gabiley tahay xaafad hargeisa ka mida gobolna noqon karin halkaasna maahruucii mucaaradmimada kusoo af Go’ay,

Anigoo ixtiraam u haya mudane muuse waxa maanta looga fadhiyaa weedh waayeelnimo waxqabad mustaqbal iyo wacdi waayo aragnimo maadaama uu mudo dheer saaxada siyaaaadda kusoo jiray, mudane muuse halagu la taliyo inuu luuqa qarniga inagula hadlo oo aanu inaguka hadak luuqadii qarniyadii hore,

Isku soo duuduuboo khudbada lix daqiiqo iyo badhka ah ee Gudoomiye Muuse biixi shalay jeediyay waxa ay ahayd mid aan ku haboonayn in loo jeediyo arday dhamaysatay wax barashadoodii heer jamacadeed, oo u baahanaa in la jiheeyo mustaqbal kooda, sidookalena may ahayn khudbadii laga jeesin lahaa shacab ku nool deegaan hagrasho siyaasadeed ka tirsanaya xukuummadda iyo xisbiga kulmiye,

Axmed bile maxamed

Email-bille2095gmail.com

mobile 0633160748

 

 

COMMENTS
LINKS