|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuul Shacabka Magaalada Hargeisa U Doorteen Horumarinta Caasimada Oo Cashuurtii Bulshada Danyarta Ah Ku Maalgalinaya Dhismayaal Xusbi,Iyo Dhibaatooyinka Ka Jira Wadooyinka+ Qorsheyaasha Ka Danbeeya Joojinta Bacaha.
September 17, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Maayarka caasimada Hargaysa Cabdraxamaan Soltelco ayaa Dhismayaal Cusub iyo dayactir kusmaynaya xarunta xisbiga kulmiye ee magaalada hargaysa oo ku yaala xaafada shacabka Agagaarka huteel Guleed agtiisa. Wararka aanu ka helayno arinta maayar soltelco ku kawado xarunta xisbiga Kulmiye ayaa Sheegay in ay dawlada hoose bixinayso dhaqaalaha ku baxaya hool cusub oo laga dhex dhisayo xarunta iyo dayactirka lagu samaynayo guud ahaan laba guri oo xisbiga u kiraysan sidoo kale xogahan ayaa tibaaxay in maayarka caasimada iyo laba xildhibaan oo isla golaha ahi ay dhaqaale badan ku lunsanayaan dhismayaashan ay xarunta xibsiga ka wadaan, Arintaa waxa isagu fulinaya midka mida xildhibaanada golaha degaan oo la shegay in uu qaatay qandaraaska dhismayasha, Dhacdadan ayaa noqotay mid shacabka caasimadu iswaydinayeen maalmihii ugu danbaysa taasi kenay in ay dhaliso doodo kala duwan Waxaana su,aal noqotay maxaa keenay xiligan in dawlada hoose dhaqale ku bixiso xarun xisbi xaakim iyadoo burburka wadooyinka iyo qashinku dhextuulani yihiin suuqyada magaalada hargaysa kaasi oo noqday mid aan xadlahayn. Dhanka kale waxaa gabi ahaanba adeegyada looga baahnaa dawlada hoose ka faro madhan Ka jooga hooyada suuqyada wax ku dhex iibisa ee maalin walba laga qado cashuurta balse aan helin wax loogu qabto iyo in ay amaan ku hesho goobta yar ee ay tamaandhada ku iibinaysay, Maayar cabdiraxmaan kaliya kuma mashquulana dhismaha xarunta xisbiga kulmiye ee dhawaan ayay ahayd markii koox ay hogaaminayaan laba xildhibaan oo kamida golaha deegaanka hargaysa ismarkaana ah jufada hoose gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo koox dhalinyaro ahi ay safar taageero raadin ah muuse biixiya ku tageen magaalada laascanood ee gobolka sool kaasi ay ku sugnayeen mudo dhawr cisho ah xubnahan ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay la sheegay in uu bixinayay maayar soltelco taasi oo iyana kamida waxqabadka maayarka.
Dhinaca Waxaa Bishii U Danbeysay Magaalada Hargeisa Ka Socotay Hawlgal baaxad leh oo maayirka caasimada hargeisa oo adeegsanaya ciidmo milatari ah uu ku hayey meheradaha iyo dhammaanba goobaha ganacsi ee caasimada taasi oo si aan baaxad lahayn loogu baadhayey, meheradaha kala duwan iyadoo wax laga baadhayeyna ay ahayd bacaha kala duwan ee lagu adeegto, inkasta oo hadaba shacabka magaalada hargeisa markii ay maqleen qorshahaa lagu mamnuucayo bacda aad ugu diirsadeen wasaarada arimaha guduhuna ku taageertay, ayaa haddana wax jira qorshayaal Bulshada in yar uun dareentay kadib markii ay soo ifbaxday in maayirku uu leeyahay Bacaha cusub ee ka sameysay marada ee lagu bedelayo kuwii hore, taas oo uu ku magacaabay shaqsiyaad u fulinaya qandaraaskan oo ganacsato ah, baadhitaan iyo dedaalo farobadan oo aanu sameynay ayaanu kusoo ogaanay inay jirto arrintani, islamarkaana maayirka caasimada oo horkacaya guuto ciidamo ah ay todobaadkan meherad meherad u galayeen farasmagaalaha hargeisa isagoo maayirku gacanta ku sita bushqad dhan oo ah bacahan cusub ee uu isagu mulkiyadeeda leeyahay ereyada uu ku lahaa Meheradahana waxaa Ka Mid Ahaa “Kuwan ayaa lagu Bedelay Bacahii oo Ka Wanaagsan Markaa Waa Inaad Kuwan Isticmaashaan iibisaana,” Sikastaba ha ahaatee arrimaha noocan ah ayaa hordhac u ah mashaariicaha uu maayirka caasimadu sii hirgashanayo inta aanu ka degani xilka maayirnimo, si uu dheefteed u helo marka uu ka dhamaado xilkan uu bulshada u hayaa islamarkaana noqoto naas waligii u irrmaan uu ka dheefo. Wajaalenews desk Wariye Cabdiqaadir Cabdiraxmaan
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|