|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan Casho ah la Qaatay Guddida Ictiraaf Raadiska JSL, Cambaareeyeyna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii Madaxda IGAD Ee Muqdisho.
September 13, 2016 - Written by Editor:Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Somalia iyo Somaliland ka jirta. Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka in aanay metelin Jamhuuriyadda Somaliland shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland Waxaan ku martiqaadayaa Dalalka Midowga Africa in ay u soo diraan Somaliland Guddi Xaqiiqo Raadis ah oo ka gun gaadha raabitaanka Shacbiga Somaliland iyo sharciyadda ay ku dhisantahay Dal ahaan, siday u waafaqsantahay Axdi-qarameedka Xuduudaha Qaaradda Africa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa qasriga Madaxtooyada kulan casho sharaf ah kula yeeshay Guddida Ictiraaf Raadiska Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeedada kulan ayaa xambaarsan dardar gelinta iyo dedaalka ay guddidu ugu jirto ka midho dhalinta himilada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka sugaayo beesha caalamka, taasoo loo igmaday inay si gaara uga shaqeeyaan guddidaasi, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu fursadaasi uga faa’iidaystay kuna cambaaraynayay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Somalia, waxaanu madaxweynuhu khudbadiisa ku yidhi: “Mudanayaal iyo Marwooyin, Sida aynu la wada soconno, waxa Caasimadda Dalka Somalia lagu qabtay maanta Shir Sannadeedkii, Urur Goboleedka ay ku Buhoobeen Dalalka Bariga Africa ee IGAD. Ugu horreyn, waanu soo dhawaynaynaa in Shirkaasi ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaanu u aragnaa tallaabo geesinimo leh oo hore loo qaaday. Dawladda Somaliland waxay soo dhawaynaysa dedaalka ay ugu jirto beesha caalamka iyo dalalka Midowga Africa sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Dalka Somalia, isla markaana loogu dhisi lahaa Dawlad adag oo hanata xilka iyo masuuliyadda saaran. Waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qayb qaadanno, isla markaana gacan weyn ka geysanno dedaaladda nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed. Waxaanu nahay dal iyo dad bisil oo aaminsan in dhibaatada gaadha ay annagana saamayn nagu leedahay. Sidaa darteed, waxaanu jecel-nahay nabaddooda iyo horumarkooda. Waxaanu cambaaraynayna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Somalia. Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Somalia iyo Somaliland ka jirta. Waxaanu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho. Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka in aanay metelin Jamhuuriyadda Somaliland shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay. Waxaanu u aragnaa maag iyo meel ka dhac qaawan, in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah, madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan). Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan u caddaynayaa Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-
Masar iyo Suuriya, waxay isku darsadeen 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii. French Sudan iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii. Gambia iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989.
Sidoo kale, Somaliland kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay. Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bini’aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan. Mudanayaal iyo Marwooyin, Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Bariga Africa iyo ka caalamka intaba. Madaxda Urur Goboleedka IGAD iyo Dalalka Midowga Africa intooda kaleba, waxaan ka codsanayaa in ay qadiyadda Somaliland miiska keenaan, isla markaana ajandayaasha shirarka dambe ku daraan. Waxaan ku martiqaadayaa Dalalka Midowga Africa in ay u soo diraan Somaliland Guddi Xaqiiqo Raadis ah oo ka gun gaadha raabitaanka Shacbiga Somaliland iyo sharciyadda ay ku dhisantahay Dal ahaan, siday u waafaqsantahay Axdi-qarameedka Xuduudaha Qaaradda Africa. Mudanayaal iyo Marwooyin, Ugu dambeyn, waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibed meel kasta oo ay joogaan: . in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta qarannimadooda iyo qadiyaddooda.
Waxa munaasibadaasi khudbado ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Marwo Adna Aadan Ismaaciil, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Mudane Siciid Jaamac Cali,
Wa bilaahi Tawfiiq Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|