Madaxweynaha oo La Tukaday Kumanaan ka mida Shacbiga Caasimada Hargeysa la tukaday Salaadii Ciidal Adxa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha oo La Tukaday Kumanaan ka mida Shacbiga Caasimada Hargeysa la tukaday Salaadii Ciidal Adxa
September 12, 2016 - Written by Wariye:

Hargeisa(WJN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta la Ciiday Kumanaan ka mid ah Shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Hambalyana u diray Shucuubta Islaamka iyo Bulshada Reer Somaliland meel ay joogaanba. Waxana ka mid ahaa weedhihii Madaxweynaha  “Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.
Displaying DSC_0082.JPG
Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.
Displaying DSC_0090.JPG
Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.

Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay”.
Displaying DSC_0008.JPG

Displaying DSC_0027.JPG

Displaying DSC_0039.JPG
Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Caasimada ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Golaha guurtida, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen, Madaxda dhaqanka qaar ka mid ah, Badhasaabka gobolka Maroojideex iyo masuuliyiin tiro badan.Displaying DSC_0000.JPG

 

 

 

 

Wajaalenews.net
Hargeisa Ofiice
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS