|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Oo Aan Ka Qaybgalin Shirkii Madaxda IGAD Ee Muqdisho Iyo Sobobta Keentay In Uu Hawada Somaliya Ka Noqdo.
September 13, 2016 - Written by Editor:JABUUTI(W,N) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta lagu waday in uu ka qeybgalo shir madaxeedka dalalka IGAD oo ka furmay magaalada muqdisho ayaa ka laabtay Hawada Soomaaliya, kadib markii Cilad farsamo ay ku timid diyaaraddii siday wafdiga Madaxweyne Geelle. Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadam Xasan Aadam oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa u sheegay in cilad farsamo ay soo wajahday diyaaradda, kadibna ay dhex ka laabatay. Danjir Aadam ayaa yidhi.”diyaaradda Madaxweynaha Qaranka Jabuuti hadda si nabadgalyo ay bey ku gaadhay dalka Jabuuti, Cilad Farsamo ayaa soo wajahday, wuxuu qorshuhu ahaa in uu ka qeybgalo shir maradeexda IGAD, hadda waxaa matali doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalja Jabuuti oo ku sugan Madasha Shirka”.
Source SONNA
Related posts:“Somaliland Maaha Inay Ka Xishooto In Safiirku Rasmi Ahaan Yahay Safiirka Maraykanka Ee Somaliya”Cal... Cuqaasha Iyo Waxgaradka Degmada Qorilugud Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalada Kazoo Yeedhay Qaarkamid Ah G... Halkan Ka Daawo Boobe Yuusuf Ducaale oo Ka Hadlay Halka Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Xusbiga KULMIYE... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|