Madaxwayne Siilaanyo Oo Maanta ka Qaybgalay Xaflada furitaanka Dhismaha Cusub Ee Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Maanta ka Qaybgalay Xaflada furitaanka Dhismaha Cusub Ee Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta,
September 6, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W.N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xadhigana ka jaray dhismaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, dhismahaas oo noqday dhismihii ugu quruxda badnaa guud ahaan wasaaradaha dalka ka hirgalay intuu madaxweyne Silaanyo hoggaaminaayey talada dalka.

unnamed2

Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray muwaadiniin iyo xubno ka socday shirkadaha xidhiidhka la leh wasaarada Macdanta, waxaana halkaasi madaxweynuhu uu ka jeediyey khudbad, waxaanu shahaadooyin gudoonsiiyey xubno lagu sharfay sida ay uga qaybqaateen dhismaha quruxda badan ee halkaasi laga bineeyey. Waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaynu ka wada dheregsanahay halka uu dalkeenu marayey (dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba) markii ay Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay talada dalka qabatay iyo halka uu maanta dalkeenu marayo marka dhan walba laga eego. Waxa marag ma doon ah in Xukuumaddaydu ay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo oo dhinacyo badan leh Kaasoo uu ugu dambeeyey Heshiiskii Casriyeynta iyo Balaadhinta Dekeda Berbera oo Shalay ay kala saxeexdeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo Dawlada Somaliland, waana guul u soo hoyatay qarankeenna.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan maanta xadhiga ka jaro Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah ee loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. Waxaan halkan si mug leh ugu mahad naqayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo Shaqaalaha Wasaaradiisa, maadaama ay suurto geliyeen dhismaha ugu quruxda badan dhismayaasha ay ilaa haatan Xukuumaddu yeelato. Waa dhisme tusaale iyo ku dayashaba u ah qaabka casriga ah ee loo baXADHIG JARIDahan yahay in loo dhiso Xarumaha Dawladda.

 

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxa kale oo aan uga mahad-celinayaa dedaalka iyo kartida uu muujiyey ee uu Shirkadaha Baadhista Shidaalka ku qanciyey inay inaga caawiyaan Kharashka ku baxaya dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah, taasoo uu culayskii kaga dulqaaday in ay Xukuumaddu bixiso wixii kharash dhisme iyo qalaba ku bixi lahaa Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

 

COMMENTS
LINKS