|
|||||
WAJAALE NEWS
MAANSO BAROORDIIQ- CISMAAN CABDILAAHI CIGAAL (Cismaan Hindi)
September 22, 2016 - Written by Editor:Magaca Maanso: Maantaa la tebayaa Maansadan baroordiiqda iyo ducada ah waxaa Hal-abuuray Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, Maansada waxaa kaloo ka waramaysaa taariikhdii iyo Magacii Marxuum: Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) uu ku dhexlahaa Bulshadda Somaliland, Waxaana lagu aasay xabbaalaha bariga London ee cariga Ingiriiska (UK), Taariikhda: 20/09/2016. Wuxuuna yidhi sidan; Adduun maalmo weeyoo Mawd waan u dihinee Xaqa maalintiisana Nina ka ma muquurtoo Qadar ka ma maqnaadee Saaco ka ma hor marayoo Midna ka ma dib dhacayee Qofna meel ku dhiman iyo Manfac intuu cunaayaba Waan mooganahayoo Maan kuma arkaynee Mahuraan walaalkeen Maantana cismaan baan Ciidii ku moosnee, Muslimkani dhammaantii Ducadii u miisiyo Muxubada waddacayaan Mawjadahan gelbinayaa Intii uu mudnaa iyo Magaciisi weeyaan. Haddaan weynay maantana Murugada qalbigayaga Kama miirikaraynoo Ma illoobi karaynee Allow samir ka maashee Ehel iyo macaariif. Mudan kale dareenkeed Cabdallow midhkiisii Maantaa la tebayaa Manfacuu lahaa iyo Mudankuu ahaa iyo Madashii la tegayiyo Maalkuu dhaqaayiyo Maskaxduu lahaa iyo Martiduu jeclaa iyo Maalmihii adkaa iyo Midhkii hadalladiisiyo Mayalkii adkaa iyo Murtiduu lahaa iyo Macnayntii siyaasiyo Midh uu gogol dhigaayiyo Midh uu fahan lahaa iyo Midh uu saafi jiray iyo Mahadhadu ka tagay iyo Magacuu lahaa iyo Masuul iyo xilkiisiyo Madaxduu ahaa iyo Mansabkuu fadhiyi jiray Maantaa la tebayaa. Maalmihii adkaa iyo Markay murugto xaajadu Mugdigii siyaasada Maandhaafku uu yimid Meeshaan istaagniyo Madashii andoonaba Na miraayey booliis Marka ay na maaggeen Magalaysid ay odhan Annagoo mucaarida Kulmiyoo mar saaqiday Intaan maaro loo helin Quful nagu maroorsheen Naga oodday meeshii Ninkii naga maslixi jiray Hal mid uu ka maagayn Hal mid uu ku odhan jiray Hal mid uu adkaan jiray Hab mid uu ku maareyn Mur hadday qadhaadhahay Hiilkii la mudan jiray Maantaa la tebayaa. Shir markii la doonaba Madashii la tagi jiray Isagoo midh lacagiyo Maal buuxa naga rabin Maamuus wanaagiyo Mahuraan walaalnimo Qarannimo midkeedii Tolnimana ka maarmayn Miftaaxuu na siin jiray Hool lagu mushxaradiyo Midigtuu na qaban jiray Maantaa la tebayaa. Ducadaanu mahadini Macbuudow illaahow Maaligow sareeyow Adaa mawdka keenoo Magantaada aadmigu Miskiinnimo ku tuugiye Makhluuqaad abuurtaa Meelkastoo u joogaba Ajashuu ku mudan iyo Manfacuu cunaayaba Adaa maamulaayoo Kaama maarmi karaynee Awood malihin eebow Midna siiso mooyee Maantana ergadayada Baryadaanu maalniyo Baabbacada noo madhan Illaahow marxuumkaa Qawl lagu macaashiyo Qabrigoon madoobayn Misbaax nuura loo shido Mansab fiican eebbow Minan lagu nagaadoo Neecow dhex maaxdoo Maankii ku diirsado. Jannadana macbuudow Ruux diido mooyee Addaan maanacaynine Danbidhaaf makhluuqani Naxariis macaanow Meel fiican aakhiro Muslimkaba dhamaantood.
Aammiin Aammiin Allahayow
In-naa lillaahi wa in-naa ilayhi raajicuun. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|