MAAMULAHA MADAARKA HARGEYSA OO ARAGTI CUSUB OO GUUL-WADEYN AH CURIYAY. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAAMULAHA MADAARKA HARGEYSA OO ARAGTI CUSUB OO GUUL-WADEYN AH CURIYAY.
September 28, 2016 - Written by Editor:

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham.

Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf isagoo ajar kaga raba oo ugu dhowaanaya wasiirka Madaxtoonyada Maxameuud Xaashi ayuu dambi male’awaal ah ugu sameeyay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo laba bilood oo wax la’ xarunta CID-da ku xidhan. Waa nooc cusub oo guul-wadeyn halbeeggeeda aad u sarreeyo in adigoo qof raali-gelinaya aad mid kale disho. Waana mid ka mid ah dhaqamadii ay ikhtiraaceen carruurta ciidda ka badan ee Maxamuud Xaashi uu samaystay.

Maxamed Yuusuf oo ka mid ah dadka wali sida tooska ah ugu shaqeeya wasiir Maxamuud Xaashi, shaqooyinka uu madaarka dhexdiisa uga qabto, wuxu raacsaday, shaqooyin kale oo ah in ciddii Wasiirka wax ka qorta uu dambi u sameeyo.
Laamaha gar-soorka sharafkooda iyo kalsoonidood meel ka dhac weyn bay ku tahay in muwaadin aan wax dambi ah lagu caddayn muddada intaa leeg cid u xidhnaado. Sidoo kale Ururka Qoraayaasha Somaliland ee Mudutuusha ama waraabe u taagga ah na waa ku ceeb in ay dhagaha ka furaystaan xad-gudubka noocan oo kale ee ku dhaca bahda Qoraalka.

COMMENTS
LINKS