Labadii Gobol Ee Ingiriiska Markii Aynu Xoriyada ka Qaadanay Waxa ay ahaayeen Gobolka Waqooyi Galbeed Iyo Gobolka Waqooyi Bari. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Labadii Gobol Ee Ingiriiska Markii Aynu Xoriyada ka Qaadanay Waxa ay ahaayeen Gobolka Waqooyi Galbeed Iyo Gobolka Waqooyi Bari.
September 2, 2016 - Written by Editor:

Markii Ingiriisku Yimi oo ay Jireen Dagaalo Beeleedyo ka Dhici jirey Ceelasha Biyaha iyo Daaqa Ayuu Sameeyay xuduudo qabaail.

Markaa

1960kii markii la gaadhay ayaa xuduudo beeleedyadii loo bixiyey xuduudo maamul

Labadii gobol ee ingiriiska markii aynu xoriyada ka qaadanay waxa ay ahaayeen gobolka waqooyi galbeed iyo gobolka waqooyi bari.

Gobolka waqooyi galbeed waxa magaalo madax u ahayd hargeisa waxaana ay ka koobnayd sadex degmo(district) oo kala ah 1-hargeisa 2-berbera 3-borama.

Iyo

Laba degmo hoosaad (sub district) oo kala ah 1-gabiley 2-zaylac.

Hadaba

Lughaya waxa ay hoos imanaysay degmada hargeisa. Xadka maamul ee u dhaxeeyay degmada hargeisa iyo degmada boorama waxa uu ahaa xadka iskuulka hoose dhexe ee dila mara ilaa xeebta waqooyi.

Hadaba

Waxa degmooyin buuxa laga dhigay 1963kii zaylac iyo gabiley.

Hadaba

Degmada gabiley waxa ay dhamaan ka go’day degmada hargeisa, xuduudkii u dhaxeeyay degmada boorama iyo degmada hargeisa waxba lagama badelin

Markaa

Lughaya waxa ay hoos timi degmada gabiley sidii ay hore ugu hoos iman jirtay degmada hargeisa intii aan la kala goyn.

Dadka da’doodu gaadhay 65jir iyo waxii ka wayni way garanayaan xaqiiqda,cadaymahoogiina waa yaalaan oo ay ka mid yihiin goobo doorashooyin iyo cashiurihii ay qaadi jirtay dawlada hoose ee gabiley.

Hadaba

Lughaya oo tuulo ahayd waxa si xeeladaysan oo qabyaaladaysan degmo looga dhigey 1973kii oo waxa doobiyey muuse rabiile good oo ka mid ahaa golihii sare ee kacaanka halka aan beesha sacad muuse golihii sare ee kacaanka ka mid ahayn.

Hadaba

Xuduudahaasi may ahayn xuduudo beeleed ee waxa ay ahaayeen xuduudo maamul waxii xoriyada ka dambeeyay.

Runtu waa taase ninkii dood ka qabow soo jawaab

 

Qalinkii Maxamed Cabdi Jaamac

COMMENTS
LINKS