Ilowareedyo Lagu Kalsoonyahay Oo Sheegay In Wakaalada Biyaha Hargeisa Loo Magacaabayo Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malow. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ilowareedyo Lagu Kalsoonyahay Oo Sheegay In Wakaalada Biyaha Hargeisa Loo Magacaabayo Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malow.
September 22, 2016 - Written by Editor:

Hargeisa(WN):-:-Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malow oo ka tirsan Xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeisa, ayaa filayaa in goor-dhaw loo magacaabo Maarreeyaha Wakaallada biyaha ee magaaladda Hargaysa.

Inkastoo aannu warkani si rasmiya uga soo bixin dhinacyaddii ay khusaysay, haddana ilo wareedyo aannu la xidhiidhnay ay  noo xaqiijiyeen in xulasho iyo qiimayn dheer kadib, Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malow uu noqday Masuul ku habboon oo Karti iyo Aqoon sarre u leh inuu wax ka qabto baahidda biyaha ee Hargaysa ka jirta.

Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xilka Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa
loo magacaabi doonno Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malow.

COMMENTS
LINKS