Hoos U Dhaca Sayladaha Xoolaha Oo Saameeyey Xoolo Dhaqatada Masaakiinta Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoos U Dhaca Sayladaha Xoolaha Oo Saameeyey Xoolo Dhaqatada Masaakiinta Ah.
September 11, 2016 - Written by Wariye:

filashadii dadka xoolo dhaqatada oo saraysay iyo waxay rajaynayeen iyo hoos u dhaca lama filaanka ah ee ku

Sida aynu ka war hayno dalkeena waxaa ka dhacay abaaro baahsan oo soo noqnoqday kuwaasi oo galaaftay nolosha dad iyo duunyaba ,  marka aynu.milicsano dhinaca xoolaha waxay  u dhinteen baad iyo biyo la,aan halka qaar kalena u dhinteen xanuuno ka dhashay abaarahaa .tusaale ahaan qofkii lahaa laba tiro oo adhi ah una dhiganta  (200) neef  waxa u  soo hadhay ilaa 30 meeyo  ama wax ka yar ,halka kuwo kalena noqdeen caydh.
Haddaba dadka  intii xooluhu u soo doogeen, sida  caadaadda ah  bishan arafada waxa furmay   sayladaha  xoolaha ,si loogu  daabulo   munaasibada  xajka barakaysan ee ciidul adxad.
Laakiin waxaa nasiib daradu ku  noqotay, filashadii dadka xoolo dhaqatada oo saraysay iyo waxay rajaynayeen iyo hoos u dhaca lama filaanka ah ee

ku yimid sayladaha xoolaha oo dadkii reer miyiga ahaa  ku  noqotay guul darro iyo gacmo madhan.
Waayadii hore neefku wuxuu goyn jiray , gabad bariisa iyo gadbad sonkor ah ,imikana arintu way is bedeshay boqolkiiba 30%  ilaa 40% hoos u dhac baa yimid.

Waxaan la kulmay hooyo sahra oo  ka timid miyiga kuna  soo hungowday saylada xoolaha ee magalada hargeysa.
Waxay ii sheegtay inay keentay saylada adhi ahmin ah oo  tiradiisu dhan tahay 15 neef , waxaa   layga iibsaday 2 neef oo kaliya ,intii kalena gaadhii ay  ku soo qaaday ayey  dib ugu celiyey. Waxaanay tidhi “ Kharaash uun baanu korodhsanay waa tacab qasaar
.ummaddoo dhana way nala qabtaa .imikiyo haatan ma haysano wax aanu raashi siisano ama carruurtii dharka ciida u siino”
Dad  goob goobajoogayaal ahaa ayaa sidoo kale  sheegay shirkadihii iibsanayey xooluhu inay iibsadeen intii  loo baahna  ,  hiliblihiina qiime jaban oo aan  u qalmin ayuu  ku doonayo xoolahii lagu tabcay ee intaas oo dhibaato ah lala soo maray.taasina waxay muujinaysaa
In suuqa xooluhu gacanta ugu jiro ganacsato qawlaysato ah oo waliba dhiig miirato ah oo aan u naxariisanay walaalahooda jilicsan ee reer miyiga ah.
haddaba waydiintu waxay tahay ,Haddii aynu  sidaa ku sii socotana,  maxaa mustaqbalka reer miyigeena u damayn doona ?
Haddii reer miyigu magalada soo galaan xooluhu ma ku hadhi doonaan miyiga  ?
Dawladeenu ma dareensan tahay dhibaatadan balaadhan ee ay la kulmeen xoolo dhaqateeddi ?
Sidee ayeynu uga xorownaa ganacsigeenan gacanta ugu galay shirkadahan aan danyarta  u tudhayn ?
Hees baa waxay tidhaahdaa
Ninba tacabkii

togooy kaa maal
Markaa waxaan gacanacsatada leeyahay ,haku tumaninee u tudha dadkiina

dawladana waxaan leeyahay miyaad ilawdeen in dhaqaalaha wadeenku inta ugu badan ku tiirsan yahay xoolaha nool?

La soco…………………

W/Q:  kamal Xassan Isaaq

Kamaal Xassan Isaaq

Kamalcadow@hotmail.com

Tell:  00252-634402758

Muwaadin Dalkiisa iyo Dadkiisaba jecel.

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
LINKS